2013 KDF and KDF Attack Goobweyn

Status
Not open for further replies.
MARAAKIIBTA DAGAALKA KENYA OO DUQEEYEY CIIDANKII BARRE HIIRAALE EE AY KISMAAYO KA SAAREEN

Goobweyn (Berberanews):-Maraakiibta dagaalka ee dalka Kenya eek u sugan biyaha Badda Soomaaliya gaar ahaan xeebta magaalada Kismaayo,ayaa duqeeyay oo madaafiic ku garaacay ciidankii Barre Hiiraale oo ay hore magaalada Kismaayo uga wada saareen Ciidanka Axmed-madoobe iyo kuwa Kenya oo is kaashanayaa.

Goob-weyn oo ah deegaan u dhaw Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidankii Barre Hiiraale,ayay maraakiibta dagaalka ee dalka Kenya ee ku sugan Xeebta Kismaayo,ay madaafiic ku garaaceen deegaankaas ay ciidanka Barre Hiiraale.

Goob jooge ku sugan degaanka Goobweyn ayaa sheegay in nawaaxiga degaankaas ay ku soo dhaceen saaka dhowr madfac oo ay soo rideen maraakiibta dagaalka Kenya ee fadhida xeebaha dhinaca woqooyi ee magaalada Kismaayo.

“Madaafiicda la soo tuuray aad bey u xoog badnaayeen, ka dib waxaa khal khal badan galay xaalada degaanka Goobweyn, dadweynaha ku dhaqana cabsi xoogan ayaa soo wajahday” ayuu yidhi goob jooge ku sugan degaankaas.

Madaafiicda ay ku garaaceen maraakiibta dagaalka ee alka Kenya deegaanka Goob-wayn ayaan illaa imika aan la sheegin inta uu leeg yahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ay gaysteen.

Ciidanka Kenya eek u sugan magaaladda Kismaayo ayaa inta badan lagu eedeeyaa in ay mar kasta gaystaan dagaalo iyo dhibaatooyin ka baxsan waajibaadka ay ciidamada AMISOM u joogaan Soomaaliya,waxaana hore u dhacday in AMISOM ay hore u ballan qaaday in ciidanka Kenya eek u sugan magaaladda Kismaayo in laga qaadi doono oo la gaynayo ciidamo ka mid ah AMISOM oo isku dhaf ah.

Balse wali waxaa magaaladda Kismaayo ku sugan ciidankii Kenya isla markaana wali dagaal kula jira qayb ka mid ah ciidankii Kismaayo isku hayay ee ay hore u kala raaceen.

Berberanews

Hargeysa Somalilad

http://www.berberanews.com/maraakii...kii-barre-hiiraale-ee-ay-kismaayo-ka-saareen/
 

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
This proves we were attacked by a whole nation for standing our ground. The Mighty Sade Nation shall rise once again.
 
Status
Not open for further replies.
Top