Xildhibaan Cabdullaahi Alankey oo DF ku eedeeyey iney Dagaal ka hurinayaan Gobolka Gedo

47C225CC-758A-42D7-AA45-60BEA156D877-678x381.jpeg



Xildhibaan Cabdullaahi Alankey oo ka tirsan Xildhibaanada Federaalka ee kasoo Jeeda Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo oo ay weheliyaan Sadex xildhibaan oo kale ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay baaq u direen DF oo ay ku eedeeyeen iney Dagaal cusub ka abaabulayaan Gobolka Gedo.

‘Waxaan la soconaa in maalmahaan Ciidamo lagu daabulaynayay Gobolka Gedo, Waxaa iyana gaaray Gobolka Saraakiil Ciidan oo gaaraya 12 oo ay kamid yihiin Abaan duulaya Ciidanka. , Taliyaha Maxkamada Ciidanka iyo Janano kale, Waxaan u heystay in ay Arimo Ciidanka dhexdiisa ah ay u tageen Gobolka, Ciidamo Dambi galay in Maxkamad la saarayo Ayaan u heysanay, Laakiin Waxaan hada ogaanay in Abaabul Dagaal ay u tageen Gobolka, Arintaas waa masiibo Qaran in Deegaan degan oo nabdoon Dagaal laga huriyo iyadoo aan ognahay in Balcad iyo Afgooye aan la tagi Karin oo cadowgu uu heysto, inagoo og in Jidadka Muqdisho ay xiran yihiin amaanxumo awgeed, waan ka digaynaa Dagaalkaas, cida ka dambeysay waan ognahay.” Waxaa sidaas yiri Xildhibaan Cabdullaahi Alankey.

Xildhibaanadaan Shirka jaraa’id qabtay waxay ka walwalsan yihiin Xaalada Gobolka Gedo oo maalmahaan kacsanayd kadib markii Xukuumada Federaalku ay Ciidamo badan geeyeen Gobolka
 
Top