Word of the day: How to say ‘priority’ in sentence in Somali language ?

How to say ‘priority’ in sentence in Somali language ?

In Somali language, priority is called hortabin.

source: article

https://allsanaag.com/madaxweyne-xa...doomiyaha-gobolka-banaadir-iyo-duqa-muqdisho/


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.
 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho


Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.
 
jidgooyada horyaala afar qodob oo hortabin u ah xasan sheekh
62BD2C2B-4FA4-4FA7-B0C8-B56175839438.jpeg


 
Last edited:

Mudane Fiqi oo Daafuray Siminaar Xiriirka iyo Warbaahinta ah oo Wasaaradda U Qabatay Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir​



Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ku daahfuray caasimadda Muqdisho siminaar Istaraatiijiyadda warbaahinta iyo xiriirka ah oo ay qabashadiisa iska kaashadeen Wasaaradda iyo saxiibada caalamka ee ka taageerada Xasillinta, kaas oo lagu tababarayo Xafiisyada Xiriirka iyo warbaahinta ee Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.



Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka khudbad kooban kajeediyay ayaa ka hadlay ahmiyadda uu siminaarka noocan oo kale ah u leeyahay kobcinta aqoonta warbaahineed ee dowlad goboleedyada kuwaas oo ay ka socdaan howlo badan oo hortabin u leh qaranka sida howlgallada xorreynta ee ka dhanka ah Khawaarijta Shabaab, Xasillinta, Dib u heshiisiinno iyo arrimo kale.



Siminaarkan oo socon doona afar maalmood ayuu mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta kula dardaarmay kaqeybgalayaasha in ay ka faa’ideystaan, dibna ay aqoontaasi ugu celiyaan goobihii ay ka yimaadeen.

 
Ereygaas maantaa igu horreyso inaan maqlo. @backgroundISneeded waa inaan hortabin ka dhigto aqrinta qoraalkqadha hadda ka dhib.

I think hearing people (learning Somali) read these articles would be very amusing! I felt like a wariye reading it.
 
Top