Word of the day: How to say ‘to refer’ in Somali language?

How to say ‘to refer’ in Somali language?

In Somali language, to refer is called ‘tixraac’.

Source: Qamuuska afmaal

B21B11BC-2599-4241-80EC-D19ED81F77DB.jpeg
 
a) Waxa kale oo aan isticmaalaa 'dheegasho'.

Tix-raac waa laba kalmadood oo la isku dabray, maansalaydu ay adeegsadaan, sida marka gabayaa uu gabay kale tixraacayo, oo uu ama u jawaabayo, ama uu ku hal-qabsanayo mid, ama kuwa kale.

Dheegasho, oo asalkeedu yahay 'dheeg, feedh, barbar, ama dhinac', waxaa loo adeegsadaa, tusaale ahaan, (i) dheegga ka mullaaxi - marka maydhax laga mullaaxiyo geed qudhac ah oo kale, (ii) ama marka neef geel ah dheegga laga raaco, sida marka la hayiminayo, la fara barayo, ama (iii) marka fardafuul uu dheegga isaga lammaaniyo faras.

Dheegasho - waxaan ka soo mullaaxsaday (i); tusaale: Anniga oo dheeganaya halqabsi uu @backgroundISneeded hore uga bixiyey maansa hawleed geella loogu heeso marka uu wabxo, lana rabo in uu rakaato.

b) Mid kale oo iyana aad loo adeegsadaa waa 'Xigasho', sida xogtan waxa aan ka soo xigtay kitaab u qotay fulaan.

c) Waxaa kale oo ay qallinleydu adeegsadaan 'Qooraansi / Qoodhaansi', ama 'Milicsi', inkasta oo ay ka yare macna duwan yihiin.
 
Last edited:

Trending

Top