Video of the Somali airline - That SNM hijacked on 25th November 1984 -

ALLAAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR -





FULL STORY -

Maanta oo kale. 24.November.1984.

Afduubkii diyaaraddii Somali Airline.

Maanta oo kale, 32 sanno ka hor oo ku beegan,Subaxnimadii 24.November.1984-kii, maalin sabti ah, ayey diyaaraddii Somali Airlina, ee nooceedu ahaa, Boeing 707-338C, Flight Number-keeduna ahaa 415, duuliyena uu ka ahaa Duuliye Maxamuud Xaaji Cilmi (Xaaji Dhagax), ayaa waxay ka kacday, garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Muqdisho, iyadoo usii jeeda magaalada Jiddah ee Sucuudi Careebiya, lakiin ku sii hakan lahayd magaaladda Berbera.

Haddaba diyaaraddaasi markii ay 30 daqiiqo hawada ku jirtay ayaa waxaa xoog kula wareegay saddex-nin oo naftood hurayaal ah, ugu horayna waxaa shidhka diyaaradda laga hago is yidhi xoog ku gal Muj,Cawil Cadami Burhaan, oo dharka ciidamadda markaas ku labisnaa, lakiin waxaa isku martay gabadh shaqaalaha diyaaradda ka mid ahayd oo la odhan jiray Sucaad Maxamed, intuu gabadhii iska furfuraayey ayaa waxaa ku soo gaadhay, nin kale oo isna shaqaalaha amniga diyaaradda ah, markaas ayuu Muj.Cawil Cadami, intuu Bastoolad la soo baxay, ninkii ku dhuftay. Markaas ayaa shaqaalihii diyaaraddu midba meel u cararay, Kabtankii oo markaas Shidhka diyaaradda ka soo baxaayeyna uu dib shidhkii diyaaradda ugu noqday, siddaas ayay hogaankii diyaaradda kula wareegeen, saddexdaas naftood-hure oo kala ahaa

Muj. Cawil Cadami Burhaan.
Muj. Baashe Muuse Maxamed (Baashe Diig).
Muj. Axmed Xaaji Maxamed (Waraabe).

Waxay u sheegeen duuliyihii diyaaradda,"in saacaddaas laga bilaabo diyaaraddu afduuban tahay, halkaanu ku nidhaahno ka dejina aad ka dejinaysid". Duuliyihiina arinkaas wuu aqbalay. Markaa waxay yidhaahdeen "Waxaad naga dejisaa, magalada Cadan", oo xiligaas caasimad u ahayd waddankii Koonfurta Yemen la odhan jiray. Duuliyihiina inuu amarkaas qaato wuu aqbalay wuxuuna isku dayey inuu Cadan ka dejiyo diyaaradda, lakiin Cadan iyo Dawladdii Koonturta Yemeni way diideen in diyaaradaasi ay Cadan ku soo degto. Xiligan weeye marka caalamka oo dhami ogaanaayo in diyaaraddii Somali Airline la afduubay, waayo dawladdii Koonfurta Yemen ayaa arinkaas caalamka u gudbisay. Xiligaas ka dibna in diyaaraddaasi afduuban tahay waa laga wadda war hayey.

Markale ayaa saddexdii nin ee Diyaaradda afduubay waxay duuliyihii ka codsadeen "inuu Jabuuti ka dejiyo", lakiin markiiba intay ka walaaceen ayey yidhaahdeen, "waxaad naga dejisaa waddanka Libya". Markaas ayaa Duuliye Maxamud Xaaji Cilmi, wuxuu ugu jawaaabey "Inaan Shidaalka diyaaradda ku jiraa uuna gaadhsiineyn Libye". Markaas ayaa Afduubayaashii waxay go'aan kama dambeysa ku gaadheen in caasimada Itoobiya ee Addis Ababa laga dejiyo diyaarada. sidaas ayuu Duuliyihiina ku aqbalay inuu diyaaradda ka dejiyo Itoobiya. Waxayna diyaaraddii Somali Airline soo cago dhigatay 11:00, Subaxnimo,24.November 1984-kii, garoonka caalamiga ee Bole International Airport , Addis Abbaba.
 
Last edited:
Qaybtii labbaad, Afduubkii Diyaaraddii Somali Airlines.

Ka dib markii diyaaraddii Somali Airlines ay soo caga-dhigatay garoonka diyaaraddaha ee caasimada Addis Ababa,iyadoo sida dad dhan 130 qof, kuwaas oo kala ahaa, 118 qof oo rakaab ah, iyo 12 qof oo shaqaalaha diyaaradda ahaa. Rakaabka diyaaradda waxaa ku jirey toddoba qof oo ajaanib ah, laba talyaani ah, laba South Yemen ah, mid Doblamaasi Masri ah, Mid Maraykan ah iyo mid Yementii Waqooyi ah. Waxa isla maalintiiba oo sabti ahayd. kuna beegnayd, 24.November.1984-kii wada haddal u furmay, dawladdii Itoobiya iyo afduubayaashii diyaaradda. Afduubayashii ugu horeyn waxay ogolaadeen inay sii dayaan 15 dumar ah iyo afar caruur ah oo diyaaradda saarnaa, iyo waliba saddex qof oo shaqaalihii diyaaradda ka mid ahaa, oo midkii dhaawaca ahaa ku jiro.

Afduubayaasha oo uu u hadlaayey hogaamiyahoodii, Muj.Cawil Cadami Burhaan, wuxuu dalbaday, in dilka lagu fulinaayo beritoole oo ahayd Axad,25.November.1984,toddaba Arday oo ku xidhnaa Jeelka Mandheere la joojiyo. Iyo in maxaabiis u xidhnayd arimo siyaasadeed oo 14 qof ahaa la sii daayo, loona gudbiyo waddanka Jabuuti. Muj.Cadami wuxuu si cad ugu sheegay, afhayeenkii Wasaarada Arimaha dibada Itoobiye, Tefere Gizaw haddii ardaydaas beri la laayo, inuu isna midh midh u toogan doono, madaxdii dawladda Soomaaliya ka tirsanayd ee saarnayd diyaaradda, kuwaas oo uu ka mid ahaa, Badhasaabkii Gobolka Hargeyse ee xiligaas Gen. Ibraahim Cabdi Muuse (Afgaab), iyo inuu diyaaradda qarxin doono beri.

Ardayda maalintaas la layn lahaa ee Muj.Cawil Cadami, codsaday in la badbaadiyo oo hore maxkamaddii Dooxatadu dilka ugu xukuntay, 3.October .1984-kii, waxay kala ahayeen.

1- Cabdirisaq Ibrahim Koshin (Allfo) (arday) Abdirizakalpho Koshin
2- Cabdiraxim Max’d Baaruud (Bidhiidh) (arday)
3- Max’d Bashe Aw Cali (arday)
4- Yusuf Max’d Ciise (arday)
5- Cabdi Ismacil Max’ud (arday)
6- Axmed Sheekh Ibraahim sheekh Cumar (arday)
7- Cabdi Dhamac caabi (wiil dhalinyaro ah). Nasiib daro wiiilkan ugu danbeeya, xili danbe ayey dilkii ku fuliyeen.

Dhibta ugu weyn ee jirtay xiligaasi waxay ahayd, Itoobiya iyo Soomaaliya wax xidhiidh ah oo oo Diblomaasiyadeed oo toos ahi kamuu dhaxayn, markaa waxaa dhacday in dawladdii Talyaaniga oo labba nin diyaaradda ka saarneydi ay soo dhex gasho arinka, Iyadoo safiirkeedii magaaladda Addis Ababa joogay u xil saartay inuu arinkaas galo. Arinkiina wuxuu noqday in Afduubayaashu waxay dalbanayaan loo gudbiyo Dawladda Itoobiya, Itoobiyana usii gudbiso Safaarada Talyaaniga, markaas ka dib Talyaaniguna u sii gudbiyo xukuumaddii Muqdisho. Waxay ku jawaabtana isagu ka soo qaado.

Haddaba arinkaas dilka ee uu Muj.Cawil Cadami, oo hore ciidanka Asluubta uga tirsanaan jiray soo bandhigay ayaa waxay layaab ku noqotay saxaafaddii iyo dawladdihii Caalamka, xiligaasna saxaafad baddan oo abaarihii Itoobiya ka dhacay ka soo waramaayey ayaa joogtay Itoobiya, lakiin markan hawlahoodii oo dhanba u wareejiyay inay ka waramaan, xaalada iyo afduubka diyaaraddii Somali Airlines.

Isla habbeenimadii Sabtidiiba, oo ahayd 24.November.1984-kii, waxay dawladdii Soomaaliya ku soo warcelisay inayna jirin cid baritoole la laynayaa, waxay kaloo sheegeen inayna ogolaan doonin waxa ay afduubayaashu dalbanayaan.

Waxaana dhacday, muddo shan jeer ah ay afduubayaashu marba dib u dhigayeen, xiliga kama dambeysta ah ee ay qarxin doonaan diyaaraddii Somali Airlines, aakhirkiina wadda haddalkii waxaa toos usoo galay 27.November.1984-kii, madaxweynihii Soomaaliya ee xiligaas, wuxuuna maalintii ku xigtay oo ahayd 28.November.1984-kii, uu soo saaray warsaxaafadeed laga akhriyay Radio Muqdisho, kaas oo uu ku shaacinaayo in Dawladda Soomaaliya aqbashay, wixii ay dalbanayeen afduubayaashu ayna joojisay dilkii ay ardaydaas ku fulin lahayd.

Dhawaqaas Dawladdii Soomaaliya ka soo yeedhay wuxuu soo afjaray, 75 saacadood oo wada hadal ah oo u socday iyaga iyo Mujaahidiintii Afduubay Somali Airline. Waxayna Mujaahidiintii aqbaleen dhawaaqaas lagaga noqday dilka ardayda. Waxayna ooda ka qaadeen, Rakaabkii saarnaa diyaaraddii Somali Airline. 28.November.1984-kii.

Markii ay diyaaradda Sii daayeen, ayuu Muj.Cawil Cadami shir jaraa,id ku qabanayaa qolka nasashada ee Airportka Addis abbaba, haddaladiisiina waxaa ka mid ahaa "Ma nihin annagu argagixiso, waxa kaliya ee aanu diyaaradda u afduubnayna waa inaanu badbaadino wallaalahayo". Muj.Cawil isagoo haddalka sii wata dhoola cadaynayana, kana hadlaaya baqdintii haysey madaxdii Soomaalida ee diyaaradda saarnayd, siiba badhasaabkii Hargeyse ee Gen.Afgaab. wuxuu yidhi "Aad iyo aad ayuu u cabsoonayey,(Gen. Afgaab) oohin ayuu ku waashay, wuxuuna u haystey inaanu dilayno, lakiin waxaanu u sheegnay inaanan dilayn". Sidaas ayey dawladdii Itoobiya, magan gelyo ku siisay, Cawil Cadami iyo afar nin oo la socday, kuwaas oo kala ahaa mid ay hawsha ku wadda socdeen oo Baashe Diig ahaa, iyo Waraabe oo markii diyaaraddu hawada ku jirtay ku biiray, iyo labba nin oo kale oo diyaaraddu markii ay Addis Ababa fadhiisatay ku biiray.

Waxaa kaloo xiligaas jiray oo ayna dadka qaar baddani la socon, waxaa meel xun maraayey, dagaalkii Buuraha, dagaalkaas oo ay ciidamadii SNM, ku kala gooyeen, isu socodka magaalooyinkii goboladda waqooyi ku yaaley, halkaas oo ay jab balaadhan ugu geysteen ciidamdii Soomaalida. Dhinaca kalena isla bishaas November 1984-kii waxaa dhulkii gobolada waqooyi ka socday xasuuq baahsan oo bahalnimo ah, tusaale ahaan, usbuucii diyaaradda la afduubi doono, usbuucii ka horeeyay oo ku beegnayd 17.November.1984-kii waxaa dil toogasha lagu fuliyay magaalada Hargeysa, 37 qof oo shicib ah, halka 19.November.1984-kiina, magaalada shiikh dil toogashaa lagu fuliyay 11 qof oo shicib ah, markaa xaaladaas ayaa taagneyd oo qeyb weyn ka qaadatay diyaaradda afduubka loo geystey.

Raad-raac.

http://www.nytimes.com/…/3-somali-soldiers-said-to-hijack-a…

http://www.nytimes.com/…/somali-jet-hijackers-set-a-new-dea…

https://www.washingtonpost.com/…/182c2f0a-1e76-4526-ae5f-1…/

http://www.upi.com/…/Three-Somali-hijackers-…/9135470293200/

Waraysi Duuliyihii diyaarada la afduubay.

Suleyman Yusufdhakhtar.

Fadlan sii faafi (Share) si shacabka Somaliland u ogaadaan, dhibtii loo soo maray waddankooda, iyo raggii ku suntanaa, halgankaas.
 
Your glad that after af weeyn died your country went into anarchy and your brother s died of starving and shoot in each other


It was the injustice that destroyed my country, So what would you expected me, to accept the injustice and watch my people being killed on daily basis?

SNM finishes off the injustice and the regime's days. And after the regime it was the brainless Animal southerners that refused to form Government with SNM. After that SNM secede.
 
It was the injustice that destroyed my country, So what would you expected me, to accept the injustice and watch my people being killed on daily basis?

SNM finishes off the injustice and the regime's days. And after the regime it was the brainless Animal southerners that refused form Government with SNM. After that SNM secede.
Snm wanted southern ers to kill each other
 
Definitly Shabaab-esque :uCkf6mf:

You mean, Geesinimo and SNM
JLCJXxq.png
 
Correction :nvjpqts:

Adeerkaa Afweyne: waxaan kaga yeedh siinay, 'Waan idin baryayaa, diyaarada iyo dadka ku jira sii daaya, wax kasta oo aad cod sataan, waan aqbalayaa'.

SNM: 'Daqiiqadaa laga bilaabo, si shuruud la'aan kusii daa wax alla wixii Isaaq ah ee u xidhan, arrimo siyaasadeed'.

Afweyne: 'Haye, haye, waan sii daynayaa, ka dibna markaasuu si shurruud la'aan ah kusii daayay, wax alla wixii Isaaq ahaa ee arrimo siyaasadeed u xidhnaa'.


SNM Geesinimo u daa.
 
Adeerkaa Afweyne: waxaan kaga yeedh siinay, 'Waan idin baryayaa, diyaarada iyo dadka ku jira sii daaya, wax kasta oo aad cod sataan, waan aqbalayaa'.

SNM: 'Daqiiqadaa laga bilaabo, si shuruud la'aan kusii daa wax alla wixii Isaaq ah ee u xidhan, arrimo siyaasadeed'.

Afweyne: 'Haye, haye, waan sii daynayaa, ka dibna markaasuu si shurruud la'aan ah kusii daayay, wax alla wixii Isaaq ahaa ee arrimo siyaasadeed u xidhnaa'.


SNM Geesinimo u daa.


By the way is it in your nature have a liking to terrorism.

You seem to have problems putting two&two together.
 

Bohol

VIP
Cawil Cadaami was HY. Only Garhajis can commemorate that military operation. We have no issue with the Somali nation today.

Cawil Cadami.
CAWIL%20CADAMI%20BURHAN.jpg
 

Bohol

VIP
All the three men made the operation, why are you seeing everything with qabiil eyes.


Cawil Cadami was the main one behind the operation. The other two were his sidekicks. What is next, are you going to claim the Mandheera jail break by Muj Lixle? kkk. My issue is you can't issue HY operations against Somalia. We have no beef with the Somali nation today.
 

Trending

Top