United Nations investigating a Turkish ship caught smuggling weapons to Alshabaab

Manafesto

[[Puntland Republic 🇸🇱]]PIM[[C.S(BihinYusuf)]
VIP
HalimoEnthusiast
-(Berberanews)-Guddiga khubarada Qarammada Midoobay ee qaabilsan Soomaaliya, kuwaas oo kormeera hubka sharci-darrada ah ee la geliyo dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inay baadhayaan markab Turkish ah oo lagu arkay aag ka mid xeebaha dalkaas ee gacanta ugu jira xoogagga Al-Shabaab bishii August ee sannadkii la soo dhaafay ee 2021,

sida uu qoray wargeyska Nordic Monitor oo helay caddeymo muujinaya arrintan.
Markabka oo ay leedahay shirkadda Turkiga ah ee Mavi Deniz Taşımacılığı ve Sanayi Ticaret Limited Şirketi oo fadhigeedu yahay Istanbul, ayaa muddo 24 saacadood ah ku sugnaa meel 1000 mitir oo keliya u jirta xeebta biyaha badda Soomaaliya ee ay maamusho kooxda Al-Shabaab, sida laga ogaaday qalabka ku xidhan markabka ee sheega halka uu ku sugan yahay ee la yidhaa (AIS).

“Aaggaasi ma aha meel ay maamulaan ciidammada amniga Soomaaliya, waana meel ay Al-Shabaab maamusho oo ah degaanka loo yaqaan Cali Gudud, oo u dhow Cadale,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay baadhayaasha QM.

Sida muuqata, shakiga ayaa ka dhashay sababta markab uu muddo 24 saacadood ah ugu sugnaa aag ay maamusho Al-Shabaab oo ka mid ah xeebaha dalka Soomaaliya, waxana arrintaas ka dhashay tuhun ku saabsan in markabkaasi hub u geeyey kooxda.

Milkiilayaasha markabka ayaa sheegay inay weerar kula kulmeen xeebaha Soomaaliay 13-kii August 2021, laguna soo rogay shixnad qorayaha loo yaqaan baasuukaha ama RPG iyo rasaas yaryar, sida laga soo xigtay kabtanka markabka.

Iyada oo ay u muuqato in aanay ka dhaadhicin sheekadaas, ayaa baadhayaasha QM waxay warqad rasmi ah u direen shirkadda Turkish-ka ee leh markabka, iyaga oo ka dalbaday caddeymo ku saabsan sababta markabku ugu xidhay biyo aad ugu dhow meel ay maamusho Al-Shabaab iyo xog dheeraad ah oo ku saabsan weerarka ay sheegeen in lagu qaaday.

Shirkadda ayaan ka jawaabin su’aalihii baadhayaasha Qarammada Midoobay, waxana warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka QM, 6-dii October 2021.
Dawladda Turkiga ayaan weli ka hadlin dhacdadan.

Baadhitaanka Qarammada Midoobay ayaa muujinaya in markabka uu ka tegay Fethiye oo ka tirsan gobolka koonfurta Turkey ee Antalya, isla markaana ku nagaaday xeebta aagga xeebaha Soomaaliya ee ka taliyaan Al-Shabaab intii u dhexeysay 12-kii illaa 13-kii August 2021.

Sida ku cad xogta diiwaan-ka, markabka waxa leh qoyska ganacsade Turkish ah oo lagu magacaabo Erdal Tümsek.
Shirkadda markabka leh ayaa bishii February

 

Trending

Top