Ergeyga Xoghayaha Guud ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa maanta kula kulmay magaalada HargeysaMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda, Maxamed Kaahin Axmed iyo Sacad Cali Shire iyo xubno kale, waxaana kulankan loogaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen sidii loo abuuri lahaa jawi hufan oo ay labada dhinac ku wada shaqeeyaan.
Madaxweynaha dhowaan ku guuleystey doorashada ka dhacday Somaliland Muuse Biixi iyo Danjire Keating ayaa sidoo kale yeeshay kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.
Kulankan kadib ayaa waxaa saxaafada faahfaahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire isagoo sheegay labada dhinac ugaga hadleen kulankooda sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dhinac.