There's a Kalabaydh in Sool, who knew (Sool Governor Working Trip)

Status
Not open for further replies.

SirLancelLord

Reformation of Somaliland
VIP
Safar shaqo oo aanu ku tagnay deegamada Hoos yimaa Degmada Kalabaydh

Waxaanu safar shaqo ku tagnay deegaanka Dhumay, Dhagax isgurow iyo kalabaydh, iyo tuulooyinka hoos yimaada aniga iyo Wafti balaadhan waxaana safarka igu wehelinayay Maayarka degmada lascaanood Abdicasiis Xuseen Taarwale
badhasaab ku xigeenka gobolka Sool, Abaanduulaha qaybta todobaad ee ciidanka qaranka JSL iyo taliyaha qaybta bilayska gobolka sool,

Socdaalkayaga ayaa daarnaa Si ay ula socdaan maamulka Gobolku muran maalmahan ka taagnaa degaamaynta dhul cusub,oo laga degaameyey degaanka Dhagax isgurow, degaankan oo degmada kalabaydh u jira 10km magaalada dhumayna u jira 10 km, ayaa muran ka taagnaa degaamaynta magaalo cusub oo la deegaameeyay dhulkan u dhaw magaalooyinka dhumay iyo kalabaydh,

Waxaanu ku hormaray degaanka Dhagax isgurow iyadoo si balaadhan naloogu soo dhaweeyay waxaanuna shir jaraaid la qaadanay beesha degaanka cusub ka samaysay oo dhinac ah iyo beelaha khayr cabdi iyo bah ararsame oo isku dhinac ah,

Maamulka gobolka sool iyo maamulka degmada laascaanood ayaa digniin ku siiyay odayaasha degaameeyey degaankan cusub in ay si bilaa shuruud ah ku joojiyaan degaamaynta degaan cusub iyo nabad guurka iyo xaalufka dhirta,
waxa aanu ka Maamul ahaan ku Wargalinay in ay ka daayaan Degaamaynta iyo dhismaha degaanka cusub ee dhagax isgurow,

Dhanka kale taliye ku xigeenka qaybta todobaad ahna abaanduulaha qaybta 7aad ee ciidanka qaranka JSL Ayaa sheegay in ay 2 guuto oo ka tirsan ciidanka qaranka JSL dajin doonaan degaanka dhagax isgurow, isagoo u sheegay dadka degaanka in ay si degdeg ah uga guuraan magaalada dhagax isgurow kuna noqdaan magaaladii ay ka soo qaxeen ee shaqaaqadu ka dhacday oo hawshooda la gabagabeeyey.

Dhanka kale maayarka degmada lascaanood ayaa beeniyay hadal ay bulshadu isla dhexmaraysay oo ahaa in wasiirka arimaha gudaha uu u fasaxay in ay dhistaan degaan cusub, isagoo sheegay in siyaasada dawladu tahay in aan degaan cusub aan la degaamayn iyadoo laga duulayo nabaad guurka dhirta, iyo daaqa maadaama ay bulshada degaanku tahay mid xoolo dhaqato ah kuna tiirsan xoolaha Nool ayna yihiin noole noole ku dul nool.

Ugu dambayn aniga oo hadalka soo gunaanaday waxaan sheegay in si degdega ah loo joojiyo dhismaha iyo qodaalka degaanka, inta la isaga imaanayo shir dambe oo heer gobol ah dawladuna ka duulayso nabadaynta dadka deegaanka iyadoo ilaalinaysana in meeshan aan la isku af dhaafin.

Dhanka kale waftida ayaa markii dambe u amba baxay degaanka dhumay oo maalinkii doraad laga raray ciidan beeleedka beesha khayr cabdi oo horay u deganaa degaanka dhumay, socdaalkan dhumay oo isna daarnaa u kuurgalida xaalada nabadgelyo ee ka jirta degaanka, waxa aanu kulan la qaadanay dhalinyarada iyo cuqaasha beesha khayr cabdi iyagoo iyaguna dhankooda sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqaynta nabad gelyada ayna doonayaan in ay dib u soo noqdeen dadkii ka barakacay degaanka.

Ugu dambayna waxaanu waftigayagii socdaalkayagii ku soo gabagabaynay degmada kalabaydh oo ay qado Sharaf nagu Maamuuseen, waxa aanu kormeernay dhismayaasha dawlada ee degmada kalabaydh oo ay ka mid yihiin saldhiga degmada, maxkamada degmada iyo xarunta dawlada hoose ee degmada,

Waxa aan shirar goosgoos ah la qatay bulshada degmada kalabaydh, dhanka kale waxa anu shir la qadanay maayar ku xigeenka degmada kalabaydh iyo xoghayaha degmada kalabaydh,

Ugu dambayn waxaa waftigii aan hogaaminayay aanu ku soo guryo noqonay magaalada laascaanood iyada oo safarkaasi uu qaatay 12 Saacadood oo xidhiidh ah, socdaalkan oo isugu jiray ka dhabaynta nabadgelyada labada beelood ee khayr cabdi iyo bah ararsame iyo joojinta dhismaha degaanka dhagax isgurow, iyada oo laga duulayo nabadgelyada heer gobol iyo heer Qaran ba.

Abdiqani Jiidhe Mohamoud
Gudoomiyaha Gobolka Sool.

FB_IMG_1549634754063.jpg
FB_IMG_1549634749820.jpg
FB_IMG_1549634694510.jpg
FB_IMG_1549634739941.jpg
FB_IMG_1549634735358.jpg
FB_IMG_1549634710885.jpg
FB_IMG_1549634705437.jpg
 
Status
Not open for further replies.
Top