The Police Chief of Heliwaa district was arrested along with his guards in relation to the recent murder of a local businessman

IKHALIIL

WW3 ENJOYER
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska degmada Heliwaa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa loo xiray eed la xiriirtay inay ku lug-yeesheen dilka ganacsade Abuukar Axmed Kaabax oo Khamiistii hore meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Saraakiil sare oo booliska ka tirsan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliye Cabdifitaax Qoslaaye iyo askar ilaalo u aheyd ay ku xiran yihiin xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID, isla markaana ay ku socdaan baaritaan la xiriira tuhunka loo soo xiray.

Ganacsade Abuukar Axmed oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa goor habeen ah laga afduubtay degmada Heliwaa, xilli uu u sii hoyaadayey gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Waxaracadde, waxaana lagu watay gaarigiisii.

Subixii Khamiista ayaa meydkiisa laga helay deegaanka Garasbaaley, gaarigiina waxaa laga helay goob kale, waxayna boolisku sheegeen inay ku raad-joogaan raggii dilay wiilkaas.

Afhayeenkii xilka laga qaaday ee booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe, waxbixintii booliska ee toddobaad-laha aheyd wuxuu ku sheegay in la ogaaday ragga dilay Abuukar, balse xiligaas ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hadda waxaan ogaanay in kiiskaas loo soo xiray taliyihii saldhigga booliska degmada Heliwaa Cabdifitaax Qoslaaye oo askar kale oo ilaalo u aheyd, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wax ka ogaayeen dilka ganacsade Abuukar Axmed, waxaana booliska laga sugayaa natiijada baaritaanka socda.


Allaha u naxariistee ganacsade Abuukar wuxuu ka shaqey jiray sarifka lacagaha, wuxuu ahaa aqoonyahan wax ku soo bartay dalka dibadiisa, wuxuuna ku qanacsanaa in dalkiisa uu ka shaqeysto, balse rag aan weli la shaacin cidda ay ahaayeen iyo waxa ay ku heysteen ayaa afduubtay oo dilay.

Tan iyo markii uu soo baxay tuhunka la xiriira in booliska degmada Heliwaa uu ku lugyeeshay dilka ganacsade Abuukar, waxaa isisoo taraya hadalheynta dadka reer Muqdisho oo aad ula yaaban in ciidamadii u xilsaaraa inay ilaaliyaan amniga muwaadinka ay afduubteen, kadibna dileen.
 

Jungle

VIP
Shuute questioning the former district police chief. There are recordings of him attempting the extort the young businessman. All those who were involved in the murder with him have turned on him for lenient sentences

Veteran chief prosecutor General Buulakameey


Full case hour and a half video
 

IKHALIIL

WW3 ENJOYER
Shuute questioning the former district police chief. There are recordings of him attempting the extort the young businessman. All those who were involved in the murder with him have turned on him for lenient sentences

Veteran chief prosecutor General Buulakameey


Full case hour and a half video
I knew this guy was a dummy when I found out that he had made the victim transfer funds to his personal guard's bank account and made the guard transfer it then to his own personal bank account 💀

Ha ii abtiriyo kulahaa, wuxu indha adeeg badanaa 😂
 

Gemstone

Sincerity is a dangerous thing.
Shuute questioning the former district police chief. There are recordings of him attempting the extort the young businessman. All those who were involved in the murder with him have turned on him for lenient sentences

Veteran chief prosecutor General Buulakameey


Full case hour and a half video
The wonders of transparent judicial system. Masha'Allah Shuute is doing tremendous job.
 

johnsepei5

Head of Somalia freemasonry branch
VIP
It looks like HAG police have picked up some skills from their brothers the Kenyan police
 

Trending

Top