This was news back in 2014-
Itoobiya iyo Puntland oo ku muran-san degmada Saaxo
Galdogob [RBC Radio] Dowladda Itoobiya ayaa sheeganaysa deegaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug,waxaana dhawaan dowladda Puntland ay deegaanka u aqoon-satay degmo buuxda.
Wafdi ka socda gobolka iyo xukuumadda ayaa dhawaan booqasho ku tagay degmada Saaxo,halkaas oo ay shirar kula soo qaaten dadka deegaanka.
Balse dowladda Itoobiya ayaa sheeganaysa deegaanku inuu ku yaallo dhulkeeda,waxaana socda shirar ay qaadanayaan madaxda Itoobiya iyo dowladda Puntland.
Shir ka dhacay xadduudka ay wadaagan Puntland iyo Itoobiya ayaa waxaa uga qayb-galay dowladda Puntland,wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ay ka mid ahaayeen,wasiirka amniga,wasiirka arrimaha gudaha,wasiirka howlaha guud,wasiirka warfaafinta ,wasiirru dowlaha madaxtooyada,wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo taliyaasha ciidanka,daraashita,booliska iyo nabad-sugidda.
Dhinaca dowladda Itoobiya waxaa shirka uga qayb-galay wafdi heer gobol ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Wardheer ee dhulka Soomaalida Itoobiya.
Deegaanka Tuurdibi ee duleedka degmada Galdogob oo gobolka Mudug ka tirsan oo ay shirarku ka socdaan ayaa la sheegay in si dheer ay mas’uuliyintu uga hadlayaan labo qodob oo kal ah.
In lagu xaliyo dacwo katimid dawladda Itoobiya oo ay kaga dacwoodeen in degmada saaxo oo dhawaan ay Puntland magacawday ay katirsantahay Itoobiya.
In lagu gaba-gabeeyo calaamadinta kastamka u dhaxayn doona Itoobiya iyo Puntland
Shirka oo qaatay muddo dheer kaddib waxaa mas’uuliyinta labada dhinac ay u kicitimeen deegaanka Saaxo oo ah halka ay ku muran-yihiin ,waxaana ujeedku uu ahaa in la xaqiijiyo deegaanka dhul ahaan halka uu racsan-yahay.
Cabirka dhulk ayaa labada dhinacba qalabka ay u adegsadeen waxaa uu tusiyey in mid walba uu deegaanku ka tirsan-yahay,waxaana dhacday inay kala caddan-wayday dhul ahaan halka ay racsan-tahay Saaxo.
Mas’uuliyinta dowladda Itoobiya matalaysay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqanaysay caro,waxaana ay ku andacoonayeen inay Saaxo tahay deegaan Itoobiya ka tirsan.
Ka hadalka qodobbada labada dhinac ay isku diidan-yihiin ayaa dib loo dhigay.balse dowladda Itoobiya waxaa ay caddeeysay deegaanka Tuurdibi udoonayaan inuu kastamka noqdo.
Si kastaba muddooyinkii danbe waxaa sii xoogaysanayay wada xaajoodka Puntland iyo dawladda Itoobiya.
___
RBC Radio