The Beluga whale (Silanyo's wife) finally speaks "Anigu ma ihi qof gaajonaysa"

Status
Not open for further replies.

Bohol

VIP
After being accused of corruption by all Somalilanders. Of course she is not hungry now because she ate half
of Somaliland.




image3792.jpg



ANIGU MA AHI QOF GAAJOONAYSA OO WAX BOOBAYSA, QOYSKAYAGUNA WUU ISKA LADNAA…” AAMINA WARIS September 28,2017


Marwadda Kowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, ayaa iska baraxday eedaymaha loo jeediyo ee la xidhiidha musuqmaasuq iyo inay farogeliso maamulka dawladda.

Waxa kaloo ay sheegtay inay qoyskoodu ladnaayeen waligood oo aanay gaajo ku soo korin isla markaana aanay ahayn qof baahan oo wax boobaysa.

Marwo Aamina Waris waxay sidaas ku sheegtay waraysi dheer oo xiiso badan oo ay xalay siisay Wargeyska Dawan oo kaga hadashay qodobbo badan oo ku wajahan siyaasadda, arrimaha bulshada, doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoomaysa dabayaaqada sannadkan iyo waxay qaban doonto marka odaygeedu wareejiyo talada dalka.

Marwada kowaad oo la weydiiyay inay si kooban faahfaahiso taariikh nololeedkeedii, waxay tidhi; “Anigu degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaan ku dhashay, iskuulkana waxaan ka galay magaalada Burco ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanan ahaa hablihii ugu horreeyay ee iskuulka Boodhinka ah ee Burco gala, markii aanu iskuulka dhammaynay anigu lambayrkaygu wuxuu ahaa 11 (kow iyo toban), inantii noogu lambarka dheerina waxay ahayd lanbar 18.”

Waxa kaloo ay sheegtay inay si lama filaan ah iskuulka loogu daray markii walaasheed oo ka weynayd ay diiday, waxaanay tidhi; “Anigu si lama filaan ah ayaan ku galay iskuulka, walaashay oo iga weyn ayaa diiday iskuulka oo ka dhaaratay. markaa walaalkay Eng. Cali Jirde ayaa intuu Hargeysa ka soo dhoofay yidhi Siciido haddii ay diiday inay waxbarato Aamina ayaa la qorayaa, hooyadayna way diiday oo waxay tidhi ‘Aamini way yar tahay oo malcaamada ayay dhiganaysaa.’ Markaa waxaa la yidhi markay fasaxa ka timaado ayay dhigan doontaa markaa sidaasi lama filaanka ah ayaa iskuulka la igu geeyay, iskuulka waxaa wax na bari jiray dad cadaan ah, iskuulkaasi markii aan dhammeeyay waa nala kala qaybiyay oo waxaa nalaga dhigay laba qaybood kuwii Arts-ka ku fiicnaa macalimiin ayaa laga dhigay , kuwii Sayniska ku wanaagsanaana waxa loo qaatay dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad. markaa anigu kuwii Sayniska ku wanaagsanaa ayaan ahaa oo waxaa la i geeyay qaybta Kalkaalisooyinka oo cusbitaalka Hargeysa ayaanu joognay muddo toddoba bilood ah, kadibna Egland ayaa naloo diray annagoo afar hablood ah intii kalana halkan ayaa lagu tababari jiray. Waxaannu qaadanay la isku geegeeyay oo socday muddo hal sanno ah. Markii aanu dhammaynay waxbarashadii ayaanu Collage-kii qabanay sidaasi ayaananu wax ku baranay.”

Anigu markaa Umuliso ayaan bartay, markii aan soo noqday ee aan Xamar imid ayaan iskuulka Kal-kaalisooyinka aan macalimad ka noqday, aniga oo iskuulkaasi sannad ka shaqeeyay ayaa walaalkay Cali xanuunsaday waanan ka tagey oo walaalkay ayaan la shaqeeyay oo lahaa laba shirkadood oo waaweyn oo la kala odhan jiray Somali Contract iyo Somali Cement, markaa kuwii baan ka shaqeynayay oo wadnaha ayaa laga qaylay barigaasna qofka wadnaha laga qalaa way inala adkayd sidaas darteed ayaan Kalkaalisadii uga tagey.”

Marwadu oo ka hadlaysay sidii ay isku barteen madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay tidhi; “Markii aan Jaamacada England kaga jiray isna madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu joogay oo jaamacad kaga jiray Manchester. aniguna London dusha waanu iska naqaanay oo walaalo ayaanu ahayn, laakiin aniga waligay England kumaan arag Axmed haseahaatee waxa la yaable maalinkii ugu horreeyay ee aan England ku soo noqday ee aan imid ayaa gabadh aanu saaxiib nahay ayaa gurigayaga iigu timid oo igu tidhi ‘maanta safaarada Maraykanka ayaa bandhig samaynaysa oo hablo loo dhar xayeysiinayee aan ku geeyo ayay tidhi.’ Markaa safaaradaasi bandhigii ay qabatay ayaan Axmed (Madaxweyne Siilaanyo) la isku kaaya baray, calafna waanu isku lahayn. Waxaanan is guursanay sannadkii 1968-kii shan carruur ah oo iskugu jira laba hablood iyo saddex wiil ayaan u dhalay oo kala yihiin Luul iyo Hodan iyo saddexda wiil oo magacyadoodu kala yihiin Kulmiye, Cali-salaan iyo Rashiid.”

Marwo Aamina Waris oo la weydiiyay waxay iskaga difaacayso dadka ku eedeeya inay talada xukuumadda gacanta kula jirto halka dadka qaarna ku eedeeyaan musuqmaasuq, waxaanay ku jawaabtay; “Eedahaas aad sheegayso kursigaa eeda leh oo madaxtinimada ayaa eeda leh, Siilaanyo waa madaxweyne waana odaygaygii konton sanno ayaan aqaanay uma amaanayo inuu odaygaygii yahay ee nin ka daacadsan, ka muwaadinsan, oo tuugo ka neceb oo musuqmaasuq ka neceb oo ka neceb dalkiisa wixii hoos u dhigaya ma jiro. Waan ku kalsoonahay ummadda reer Somalilandna way ku wada kalsoon yihiin.”

Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Anigu (marwadda) madaxweynaha ayaan la shaqeeyaa, haddii aanan la shaqeyna waxaan ahaan lahaa qof aan jirin. Sidaas awgeed Bil Clinton ayaa markii uu ololaha ku jiray laga guntay murtidii ahayd ‘Dadka Mareykankow i doorta aniga, Hillary Clinton oo ooridayda ahna bilaash ayaad ku helaysaan waayo aragnimadeeda markaad aniga i doorataan iyana way idiin shaqaynaysaa.’ waxaan leeyahay aniga shacabku imay dooran ee Axmed (Madaxweynaha) ayay doorteen runtii inay aniga i xag-xagtaan ama i caayaan dadka qaarkii waa khalad haseahaatee dan kama lihi oo xaaskii Axmed ayaan ahay.”

Waxay xustay inay wixii wanaagsan ay ku dhiirigeliso madaxweynaha, waxaanay caddeysay inay leedahay aqoon iyo waayo-aragnimo ay kula talin karto. “Haddii la yidhaahdo Axmed miyaad la talisaa? Haa waan la taliyaa, haseyeeshee xumaan kulama taliyo, wanaag ayaan kula taliyaa caqli iyo tacliin iyo waayo aragnimo aad kula taliso miyaad leedahay haddii ay su’aashu tahay? Haa oo waxaan leeyahay aqoon iyo khibradba. markaa Axmed wanaagga ayaan kala shaqeeyaa.

Fikir marka uu iila yimaado hadday ay khaldan tahay waxaan idhaahda may ee Xaaji innaga daa, hadday sax tahayna Xaaji ku dhiiro waa wax wanaagsane ayaan idhaahdaa. taasina mid aan raaligalin ka bixinayo maaha,”ayay tidhi Marwada kowaad.

Waxa kaloo ay intaas ku ladhay “Gabadh waliba odaygeeda way la talisaa, gabadhii sidayda waxbaratay ee khibrad lihi khasab ayay tahay inay la taliso. Waxay Soomaalidu tidhaahdaa ‘haddii lagu sheego waa la is sheelaa, haddii lagu sheelana waa la is sheegaa’ markaa haddii aan Axmed ag joogo wanaag ayaan la ag jooga.”

“Eedaha kale ee dad yidhaahdaan wax bay cuntay, wax bay xaday iyo yooyotankan anigu waan is ogahay oo qof gaajoonaysa oo wax boobaysa ma ihi, waligayo qoys ladan ayaanu ahayn reer ahaan. Sidaas awgeed ab iyo isir qof gaajo ku soo kortay oo wax boobaysa ma ihi,”ayay isku baraxday marwaddu, waxaanay intaas raacisay; “Wixii aanu qaranka u xafidi karaynayna waanu u xafidnay. waxaanu leenahayna waala yaqaan oo hore ayaanu u lahayn, balse dadkan i caayaya ee sidaas leh waa kursiga dartii berri markaan ka tago Aamina Waris cid caayaysa arki maysid. shalay markii odaygaygu aanu mucaaridka ahayn cid i caayaysayna may jirin oo I lahayd waa tuugo, markaa waan u dulqaadanayaa.”



Salaanmedi/Hargaysa

Source Dawan

http://salaanmedia.com/?p=178570
 

Bohol

VIP
She also mentions the names of her children.

Daughters: Luul, Hodan

Sons: Kulmiye, Rashiid and Abdisalan
 
And Dubai with stolen money.
What happened to the dream of a Somaliland which was to be built for the people by the people.How is it that SNM veterans are poor while these kacaan left overs are reaping the money.
:noneck:
Income inequality through the roof, no sympathy and nepotism.Somaliland was a hope for northern Somalis but its become a habar awal money garnering system.No wonder the Garhajis are the most unionist.
:shookgabre:
I still remember when samatar was sucking off Habar Awal due to his mother being from that clan for power.
:siilaanyolaugh:
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top