Somaliland Is Sharia allow muslims to vote war criminal who killed innocent muslims?

Status
Not open for further replies.
Muse Bihi Abdi is a war criminal he killed a lot of muslims because of their clan , some somalilanders are voting for him because he is Mujahid as they say,and some are voting for him because He hails from their clan , I want to ask this question the Ulama and whose who known islamic sharia
 
Gudoomiyaha maxkamad sare oo fagaare ka khudbeynayaa wuxuu ku cel-celiyey inaanu marna kursiga madaxtooayada fadhiisanayn

pen1(35).jpg


Maanta waxa jira welwel. Todoba sanno ka hor markii Kulmiye mucaaridka ahaa reer somaliland waxaan u sheegay in hadii aad doorataan Kulmiye aad arki doontaan Moorganno, Taaxugyo iyo khadiijooyin hor leh. Waxaan kaloo ka digey in la arki doono cunsuriyad, seef la boodnimo siyaasadeed, amar ku- taagleyn awoodeed iyo kali talisnimo. Digniinahaas oo aan maqaallo badan ku soo gudbiyey, haddii keydka websiteyada dib loogu noqdo waa laga heli karaa. Maanta reer Somalilandow ma la hayaa dhamaan tilmaamahaas aan 7 sanno ka hor idiinka digey.

Berigaas, Qax maan sheegin iyo barakac. maanta welwelku waa dagaal sokeeye iyo barakac . Muuse, isagoo fagaare ka hadlaya wiiggii hore, wuxuu yidhi






" Annaga (Kulmiye ah ) iyo bulshada Soomaaliland, marna oggolaan meyno in cid saaxiibo ku leh muqdisho kursigan ku fadhiisato". Wuxuu kaloo intaas raaciyey "Marna yeeli meyno in Somaliland Xamar looga taliyo". Hadlaka Muuse waa cadyahay. macanaha uu sameynayaana waxa weeye, C/Raxaman Cirro marna kursiga ku fadhiisanayo xitaa hadduu codka reer Somaaliland ku guuleysto.


Hadaba suaashu waxay tahay, maxaa la gudboon reer somalailand? Ma dooranaysaan qax iyo dagaal sokeeye?. Qof kasta oo Muuse cod siiya, qeyb soo kuma yeelanayo jarriimad kasta oo Muuse dalka ka dhigo. Ilaahey hortiisana soo lama tagayo.

MAXAKAMAD SARE:

Waxa jira welwel kale. Maxkamada sare oo ah meeshii loo irkan lahaa haddii muran doorasho dhaco, ma muuqato inay kaalintaas buuxin karto, waayo Maxkamada hore ayaa loo soo tijaabiyey. Waxa kale oo iska cad in gudoomiyaheedu ku dhex milmay siyaasada oo waxaaba la arkaayey isagoo ka hadlaaya sida Xisbiyadu u ololeynayaan iyo sidey isu nidaaminayaan, waa shaqadii guddiga doorashooyinka iyo guddiga anshaxa.

Dacwadii 2da grab ee UCID

Hore waa loo ogaa meeshii ay maxkamadu dhigtay dacwadii dhex martay gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo musharaxiisii madaxweyninimada Jamaal Cali Xuseen. Maxakamadu waxay tixgelin weyday heshiiskii labada garab galeen oo maqal, muuqaal iyo qoraalba lahaa. Maxkamadu waa tii wax weydiin weyday markhaatiyadii iyo guurtidii heshiiska goob jooga ka ahaa. Maxkamadu waa tii halkii laga sugayey goàan maxkamadeed soo saartey waxa dadku ugu yeedhaan warsaxaafadeedkii caanka ahaa ee " Faysal gar leh, Jamaalna gar leh" oo macanaheedu yahay Faysal oo musharax Waraabe-u-taag ah oo Kulmiye wato in lagu cidhiidhyo Musharax Cirro. Jamaalna Muuse laga reebo.

Dacwadii doorashadii gudoomiyaha Baarlamaanka.

Maxkamada sare, markii marxuum Talyanle alle ha u naxariistee uu gudbiyey dacwada, wuxuu ku lifaaqey qiraal 39 xildhibaan oo video laga duubay iyo qoraal ay dhamaan ku saxeexan yihiin oo cadeynaya inay Talyanle u codeeyeen. Waxay ahayd oo kaliya inay maxkamadu u yeedho 39 kaas xildhibaan, dhaariyaan oo weydiiyaan cidey u codeeyeen. Maxkamadu sidaas ma yeeshay? Goàan maxkamadeed ma soo saartey? Maya e waxay tidhi sidii lagu yaqaaney "Dib isugu noqda" oo taas macnaheedu yahay Baashe (Kulmiye) ha soo baxo.

Gudoomiyaha maxkamada sare, isagoo ka hadlaya shir garsoorayaasha dalka uu u qabtay, wuxuu ku dhawaaqey oo ku cel-celiyey inaanu marna kursiga madaxtooyada ku fadhiisaneyn qof aan maxakamada sare u dhaarin. Qof kasta waa ogyahay in musharaxii ku guuleysta doorashada ay khasab tahay in loo dhaariyo oo taas cidna laga baryi maayee, waxaase la isweydiinayaa muxuu gudoomiyuhu uga jeedaa dhawaaqaas? Dad badan waxa galay dareen ah in laga yaabo in musharax helay doorashada loo diido in Kursiga loo dhaariyo.

Hadaba, haddii arrimuhu sidaas yihiin, maxaa lagaga badbaadi karaa in dalku galo qalaalse siyaasadeed iyo amni darro?

1- Marka 1aad, Dadku waa inay dhiibtaan cod rikoodh jebin ah oo marna aan lagu murmi karin oo Muuse iyo kooxdiisa loogu quus goynayo.

2- Rajada kaliya ee dalku leeyahay maanta waa guddiga doorashooyinka oo kalsooni weyn lagu qabo inay qabanayaan doorasho xor ah oo xalaal, iyaga Eebe ha looga baryo inuu xaqa waafajiyo oo laga maarmo in maxkamada sare loo baahdo.

Somaliland waxay ka soo dhex toostay Dambas ee yaan dambaskii dib lagu celin

Naaleeye111@hotmail.com
 
Status
Not open for further replies.
Top