Prince of Lasanod
Eid trim pending

I was born in Hargeisa and was part of the WSLF (Western Somali Liberation Front) that operated in Somali inhabited area in Ethiopia in the 1970s and 1980s. I was a proud commander of a fierce battalion. Whilst fighting for freedom and liberation, I was wounded twice. The first time was the most severe one; I was shot in the head and brought to Hargeisa. On my way to Hargeisa, a traditional doctor from one of the villages that we passed by treated me. Let me tell you; these current modern doctors have got nothing on our old traditional doctors. A blood clot formed in my head, and he managed to thin the blood and saved my life. I stayed 21 days in Hargeisa and went back to the battlefield. Every wounded Somali soldier, whether he was being treated in Beledweyne, Mogadishu, Las Anod or Borame; went back to the field after recovering. We loved each other immensely, and your clan background didn’t matter. My battalion soldiers were Somalis from diverse clans. We joked, laughed and were brothers in arms. We were closer to each other than our own blood relatives. We were fighting for a common cause. We were like-minded, and the people cheered for us on wherever we went. I feel nostalgic talking about it. After the Somali government collapsed and was replaced by famine and anarchy, I became a civilian and have been doing nothing ever since. I didn’t join any factional groups nor the subsequent governments. I’ve been living my life quietly in Mogadishu.”
(Mogadishu)
“Waxaan ku dhashay magaaladda Hargaysa isla markaana waxaan ka tirsanaanjiray Jabhadii Xoreynta Soomaali Galbeed oo wakhtigaas ka hawl geli jirtay dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya sanadihii 1970s ilaa 1980s. Waxaan u dagaalami jirnay xoriyada Soomaalida dhulkaas degta. Laba jeer baan ku dhaawacmay, dhaawacii hore wuxuu ahaa dhaawac halis. Xabad baa madaxa iga dhacday, kadib Hargeysa la ii keenay. Intii aan kusii jirnay jidka waxaanu tuulo yar kula kulanay mid ka mid ah dhakhaatiirta baadiyaha. Si aan caadi ahayn ayuu ii dabiibay. Aan ku sheego dhakhaatiirta reer baadiyaha oo dhakhaatiirta mooda hadda joogta iney ka wacan yihin ayaa lafta ii guray. Dhiig ku samaysmay madaxayga wuxuu ku guulaystay inuu yareeyo naftaydii wuu badbaadiyey. Waxaan joogay Hargeysa 21 maalmood kadib waxaan dib ugu noqday goobtii aan ka imid markii hor. Askari kasta oo Soomaali ah hadii dhaawac soo gaaro oo la geeyo laguna daweeyo magaalooyinka Beledweyne, Xamar, Laascanood ama Boorame marka uu ladnaado, goobtii buu ku noqon jiray. Dhib bey ku ahayd asagoo caafimad qaba inu halganka ka haro. Anagu aad baanu isu jeclayn, waxaan hadda cararaya oo dhanka qabyaaladda eegaya ma jirin. Ciidankii aan madax u ahaa waxay ahaayeen Soomaali kasoo jeeda qabaa’illo kala duwan. Waanu kaftami jirnay, wada qosli jirnay dhamaanteen waxaanu ahayn walaalo ciidamada katirsan, qaddiyad Soomaalinimo ku shaqeynaynay. Waanu iska xigney dadka intiisa kale, ha noqoto walaalka kula dhashay. Waxaanu u halgameeney hal ujeedo oo na midaysay. Sidaas oo kale dadka Soomaaliyeed aad bay noo tageeri jireen meelkasta oo aanu tagno. Waan qiiroonaya markaan ka soo xasuusto. Markii ay burburtay dawladii Soomaaliyeed, waxaan noqday qof shicib ah, wax ciidan ama jabhad ama dawladihii ka dambeeyey kuma biirin kamana tirsani, ilaa hadana waxaan ku noolahay Xamar, waxna ma qabto.”
(Muqdisho)
http://www.somalifaces.org/post/151...and-was-part-of-the-wslf#.WSuAoXpUss0.twitter