Somali cities that have Maay names!

mohamedismail

Reewin. Lixda Gobol ee Maayland unii leh!
Magaalooyinka oo af Maay ah!

Ayaan hore waxaan idin sheegay in Qur'aankii aan ka bartay Muqdisho markaan Baydhabo tagay la i yiri imtixaan kaddib, "Qur'aankaaga waa Maxaatiri, waa in dib laguu baraa", sidoo kale waxaan idin sheegay in halka ay reer Maxaatiri u yaqaanaan wixii Maay ku hadla Eelaay, ayagana ay wixii ku hadla Maxaatiri ay u yaqaannaan Hawiye Naareed xitaa haddii ay Jabuutiyaan yihiin.

Casharka maanta waa magaalooyinka.

Af Maay marka lagu sheego, micnaha magacyada magaalooyinka qaar wuxuu isku bedelayaa si aadan hadda u malayn. Ma aha wax aan anigu sameeyay ee waa sida loogu dhawaaqo, dad badan oo af Maay keliya yaqaanana ay u fasirtaan.

Gaalkaayi = Kaay= Qarin, waa Gaalkacyo, meel gaalku uu isku qariyo.

Boos-aasi = Boosaaso, goobtii, boskii caasiga.

Ha-mar= Xamar, soo mar, hakasho mooyee, joogis maya.

Waxaa jirta sheeko aad dhulkaas looga yaqaano. Qof Jeddah ka yimid oo Xamar alaab looga xaday ayaa markii uu Baydhabo tagay wuxuu dhacdadii uga sheekeeyay asxaabtiisa. Mid ka mid ah ayaa warka soo gebagabeeyay:

" Ha-mar ya lyky eri maa ay ha roog ke ery = Soo mar (Hamar) ayaa lagu yiri mooyee, yaa soo joog ku yiri".

Reer Xamar (Hamar, soo mar), Gaalkacyo (Gaalkaayi) Boosaaso (Boos-aasi) haddaad tahay, qofka af Maay keliya yaqaana wuxuu u maleeyaa inaad meel aan la joogi karin, ama gaal gabbaad u ah, ama caasi waalideyn usku uruursaday aad ka timid.

Soomaali in ay is barato, oo gobol walba gobolka kale dadkiisa dhab ahaan u fahmo waa muhiim!

Marka aysan dhihin Eelaay, reer Maxaatiri waxay beeshii ugu yeereen Raxanweyn, magaaladiina Baydhabo.

Raxanweyn, waa jeebkiina Maxaatiriyoow, erey Af Maay ku jira xitaa ma aha, ayagana adinka ayay idinka maqleen mana yaqaanaan, X-na maba dhihi karaan. Magaca ay isku yaqaanaan waa Reewing, micno gaar ah inuu leeyahay ma ogi sida Raxaweyn ama Raxanweyn ay Maxaatiriga u micneeyaan. Baydhabo-na oo Baydhowy ah qeybta dambe ayaad ka qaladdeen.

Maanta halkaas ha i noo joogto! Casharka xiga waa lacag!
 

Trending

Top