Saadaq Joon Darajada ayaan ka xayuubiyey, Cabdirashiid Jananna Villa Somalia ayuu ila jiifaa Farmaajo miyaa na baraya?

Soomaalidu Waxaa ay ku maahmaahdaa “Gacan daahir ah ayaa wax Daahirisa”Farmaajo cidna madacalacsiin karo darajana kama qaadi karo waayo asiga ayaa sharci darro ku fadhiya Villa Somalia caawa Darajana iyo xil midna kama qaadi karo Taliyiha Booliska Gobalka Banaadir Gen Saadaq Joon.
Sidoo kale habraaca daraja ka qadaadista waxaa loo maraa Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco.


173968532_10222969065511831_2732599585002675458_n.jpg
 
Top