TekNiKo
Loyal To The One True Caliph (Hafidahullah)
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah ayaa caawa xarunta madaxtooyada, gaar ahaan Villa Uganda uga socda madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Mahdi Guuleed, Lafta Gareen iyo Mahad Cawad, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.
Shirkan ayaa sida la sheegay looga hadlayaa ajendaha shir la qorsheeyey inuu 25-ka March ka dhaco magaalada Baydhaba, kaasi oo lagu dhigayo shirqool siyaasadeed oo ka dhan ah beesha Hawiye.
Shirka Baydhaba ayaa markii hore u dhaxeeyey beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, balse waxaa caawa laga shirayaa in shirka laga soo qeyb geliyo Beesha Shanaad oo uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin, si loo ballaariyo isbaheysiga la rabo in looga dhawaaqo Baydhaba ee Dir, Digil iyo Mirifle.
Shirka Baydhaba ayaa markii hore qorshuhu ahaa in beelaha Dir iyo Digil iyo Mirifle ay sameysteen isbaheysi ujeedkiisu yahay in Hawiye iyo Daarood looga qaado xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo ay mar kasta helaan.
Hase yeeshee waxaa kadib soo baxday in ujeedka aanu taasi aheyn balse lagu hoos duugay qorshe la rabo in guddoomiyaha baarlamanka lagu siiyo qof kasoo jeeda Hawiye, si loo dhaafiyo xilka madaxweynaha taasi oo beesha Dir ay ka war heshay, waxaana ka shaqeynayey Lafta-gareen iyo Villa Somalia.

Shir xasaasi ah oo caawa ka socda Villa Somalia iyo qorshe ka dhan ah Hawiye oo la dejinayo - Caasimada Online
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah ayaa caawa xarunta madaxtooyada, gaar ahaan Villa Uganda uga socda madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, Mahdi
