DR. MAXMED Y. ISMAACIIL ABAAL MARINTA HEROES OF CHEMISTRY AWARD EE DALKA MARAYKANKA
Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan) ayaa la guddoonsiiyay abaal marinta ay bixiso hay’adda Kiimikada ee dalka Maraykanka ee American Chemical Society (ACS ) Dr. Maxamed ayaa ka mid ahaa culumo (Scientist) ku xeel dheer cilmiga kiimikada oo isugu jiray kuwo wax ku soo kordhiyay aqoonta kiimikada iyo kuwa soo saaray waxyaabo nolosha bin-aadamka wax tar uleh oo bishii la soo dhaafay ee August 25, 2019ka, abaal marintaas lagu guddoonsiiyay magaallada San Diego ee gobolka California.
Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan)
Abaal marintaas oo la siinayay culummada ku xeel dheer cilmiga kiimikada ee seddex shirkadood oo ka mid ah kuwa dawooyinka soo saara (Pharmaceutical companies) oo ay ku jirtay midii uu ka shaqayniyay Dr. Maxamed ee Paratek Parmaceutical oo ahayd shirkaddii uu shaqaynayay markii uu soo saaray dawada uu ku guuleystay.
Abaal marinta la siiyay Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa waxaa uu ku mutaystay inuu soo saaray ama uu isagu curiyay xirmo dawo ah oo lagu magacaabo Aminomethylcyclines oo ah daawooyinka Nuzyra iyo Seysara , waxaana oggolaaday ama aqoonsaday hay’adda dowladda Maraykanka u qaabilsan maamulka cuntada iyo dawooyinka FDA (U. S. Food and Drug Adminstration) daawadan ayaa qoys ahaan ka mid ah daawooyinka qalijiyeyaasha ah ee lidka ku ah bacteria-da (Antibiotics ).
Sida la sheegay daawada uu caalimkan soo saaray Oktoobar sanadkii 2000, ayaa wax weyn ka taraysaa ama ku soo kordhisay oo wax ka bedeshay awooddii daawooyinka qalijiyeyaasha ahaa, waxayna awood u leedahay wax-yeellada ama bakteeriyada ay daawooyinka qalijiyeyaasha wax ka tari kari waayeen sida Oof-wareenka (Pneumonia).
Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka mid ahaa ardaydii kulliyaddii kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qallin jabiyay taariikhdu markay ahayd 1985kii, wuxuuna shahaadadiisa PHD ka qaatay jaamacadda Massachusetts 1993kii.
Dr. Maxamed oo hadda ku nool magaallada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa uu soo saarayaa waxyaabo badan, isagoo waliba sida la xaqiijiyay wali gacanta ku haya daawooyin cusub soo saaristooda, waxaa intaas dheer oo hadda gobolo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka caan ka ah oo aad looga cabbaa caanaha fadhiga (Yoghurt) ee uu isaga soo saaray ee lagu magacaabo Ziwa.
PUNTLAND POST