Puntland Oo Tababar Usoo Xirtay Ciidamo Dhawan la Aasaasay Oo Loogu Magac-daray Galayr.(Sawiro)
April 2, 2020
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamo ay dhawaan aasaastay oo la magacbaxay Galayr, kuwaasoo hore uga tirsanaa Daraawiishta Puntland oo muddo 6 Bilood ah tababar uga socday xerada Tababarada Ciidamada Daraawiishta Puntland ee Xorgoble.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray oo loogu magac daray (Galayr) soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay sanadka hadda dhammaaday.
Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.
Dowladda Soomaaliya oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Puntland ayaa horey dhowr jeer u tababartay Ciidamo loogu magac darey Haramcad iyo Gorgor,kuwaas oo howlgallo kala duwna ka fuliya Gobolada dalka Soomaaliya.

Last edited: