Puntland Tourist In Europe

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
Wuxuu ahaa safar taariikhi ah oo qaatay 2 bilood oo aan ku kala bixiyey Qaarada Europe. Waxaan ka ambabaxay magaalada Bossaso 4 Oct 2018 waxaana ku soo noqday 4 Dec 2018.

Safarkayga Europe wuxuu ka bilaamay magaalada Roma ee dalka Itaaliyo ah magaalo taariikhi ah oo facweyn. Waxaan booqday meelo badan ka mid ah magaalada Rome oo ku suntan taariikhda Italy iyo dunibada.

Waxaan joogay Rome 7 casho oo aan hawlo shaqo u joogay, ka dibna waxaan galay fasax kaasoo aan kusoo qaatay wadamada hoos ku qoran ee ka mid ah qaarada Europe:-

1.Italy

2. Sweden

3. Norway

4. Germany

5. Asstria

6. Belgium

7. Netherlands

8. France

9. Switzeland

10. Denmark

11. Turkey

Magaalooyinka aan booqday wadan walba waxay ahaayeen.
1.Italy- Rome 2. Sweden- Gothernberg, Malmo, Stocholm 3. Norwey – Oslo, Sarpsborg 4. Germany- Frankfurt, Munich, Friedberg, Hamburg, worms, hanover, kessel, gottingen, hanau, mannheim, heildelberg,karlsruhei, dusseldorf,

5. Austria- Vienna, Innsbruck 6.Belgium-Brussels, Antwerp, Leper 7. Netherlands- Amsterdam, Eindoven, Utrecht 8. France-Paris
9. Switzerland- Geneva, Zurich, Bern

10: Denmark-Copenhagen, Vordinborg, Storstrom
11. Turkey- Istanbul

Intaan ku jiray safarkaa dalxiiskaa waxaan sameeyey 4 safar oo cajiiba oo aan mid kasta ku maray 3 dal iyo 3 magaalo hal maalin gudaheed wuxuuna ahaa sidan soo socota:-

  1. Italy 2. Sweden 3. Norway
  2. Rome Gothenburg Oslo
  3. 1. Austria 2. Germany 3. Belgium
  4. Vienna Frankfurt Brussels
  5. 1. Holand 2. Belgium 3. France
  6. Eindohoven Brussels Paris
  7. 1. Germany 2. Denmark 3. Sweden
  8. Frankfurt Copenhagen Gothenburg
Wadamada Europe iyo magaalooyinka aan booqanayey waxaan si gaara u xulanayey goobaha dalxiiska oo caankaa iyo meelaha taariikhigaa.

Waxaan ku safray gadiidka Cirka, Dhulka, Bada ee kala duwan sida Diyaarado, Tareeno, Maraakiib, Baabuur, inaad Europe dhexdeeda ku safadhana waa wax aad loo fududeeyey kuse timi juhdi, dhaqaale, iyo waqti badan oo ay ku bixiyeen dadka qaaradaas hogaanka u haya.

Mahadnaq:

Waxaan rabaa inaan halkan uga mahadnoqo dhamaan ehelkii iyo asxaabtii iigu soo dhaweeyey qaarada Europe sidii milgaha iyo sharafta lahayd. Waxaan idin leeyahay RABI ha idin xifdiyo hana idin karaameeyo aduun iyo aakhiraba. Runtii hadaysan wax badan ii fududayn dalxiiskaygu saas uma qurux badnaadeen.

Waxaan kaloo halkan uga mahad niqi Salaam Bank Puntland oo VISA Cardka aan ka qaatay uu ahaa wehelka safarkayga oo ii fudududaynayey safarada dalxiiskayga iyo inaan ku qabsado adeeg kasta oon u baahnaa.

Sida Tigidhada diyaaradaha, Tareenada, Busaska, Hoteelada, maqaaxiyaha, kaalimada shidaalka, baararka, garoomada ciyaaraha, supermarkidada iyo nooc kasta oo dukaamaysi ah, maadaama aan marayey wadamo lacago kala duwan lagu isticmaalo Visa Cardku wuxuu ii fududeeyey inaan kala bixi karo lacagta hadba wadanka aan joogo laga isticmaalo,wuxuu kaloo iga badbaadiyey inaan cash qaadan oo riski badan leh, waxaan kaloo u mahad niqi Shirkada Isgaarsiinta Golis oo aan adeegeeda taleefanka (Roaming) iyo sahalkaba Europe ku isticmaalay

Ujeedadii safarkaygii dalxiiska.

Waxaan ahaa dalxiise rabay inuu dunida wax ka barto ee maanan ahayn muhaajir nolal ka rabay qaarada Europe guud ahaan.

Dhalinyarada qaar ayaa igula kaftami jiray is dhiib ana anigoo dhoola cadayn ayaan ugu jawaabi jiray inaan ka imi dal hodan ah oo aan sharaf iyo cis ku noolaa aanana dhaafsan karin nolasha qurbaha ee ciriirkaa ee bahdilka badan. Qaar badan oo ka mid ah dhalintaas way ila qaadan jireen jawaabta aan siiyey markaan si dhab ah oo xaqiiqda ku salaysan u kaftano, waxaana ka fahmayey markaan la sheekaystay inay waxay filayeen wax ka duwan kala kulmeen Europe aysana u qalmin in loo soo maro safarkii dheeraa ee dhibta badnaa.

Dadkii aan kula kulmay Qaarada Europe

Dadka aan kula kulmay Qaarada Europe waxaan oran karaa waxay ahaayeen 3 nooc, dad waqti hore galay Europe, dad mar dhexe tagay xiliyadii dalka ay ka socdeen dagaaladii sokeeye, iyo dad dhawaan galay oo iyagu dhalinyaro u badan.

Dadkaa sadexda nooca hadana waxay u kala baxaan 3 nooc oo kale oo kala ah dad naftooda ku filan dadkoodana wax tari kara, dad naftooda kaliya ku filan iyo kuwo aan naftooda ku filayn cid kalana wax ugu ool.!

Xaalada Qoysaska ku nool Qaarada Europe

Qoysaska ku nool qaarada Europe ee caruurta ku haysta guud ahaan nolashoodu maaha mid sahlan oo waxaa ku hareeraysan duruufo adag oo in badan oo ka mid ah aysan maarayn karin, ugu dambayna keena burbur qoys iyo dayac dhinaca awlaada ah oo markaa ay ka faaiidaystaan shucuubta gaaladaa ee ay la nool yihiin, taasoo ugu dambayn keenta in ilmaha laga qaato waaridkii dhalay, waana wax murugo iyo xanuun badan. Waaridiinta Qoysaska qaarna waa qaar shaqaysta oo debera nolasha qoyskooda, qaarna waa kuwo qaata waxay ugu yeeraan CAYR oo lagu dhoho afka qalaad (welfare) qoysaska qaata cayrta waa ka nugul yihiin xaga dhibta kuwa shaqaysta maxaa yeelay waa qoys la biili marka ilmihii taladoodii waa lagula wadaagaa. Intaan joogay Europe gaar ahaan wadanka Norway waxaa qoys Soomaali ah laga qaatay 5 ilmood waxay ahayd arin dareenkayga xanuujisay, taasina waa arin ka dhacda dalkaas marar badan, Norway waxaan u aqoonsaday inuu yahay wadanka ugu liita xaga xuquuqul insaanka intaan marayey qaarada Europe ka dib markii la iiga sheekeeyey dhowr xaaladood oo kala duwan oo ay kula kaceen dad Soomaaliyeed.

Dhalinyarada Qaarada Europe joogta.

Dadka ugu badan ee qaarada Europe jooga waa dhalinyaro waayahan dambe u haajiray. Dhalinyaradaasi waa 2 qaybood, qaybta 1aad waa dhalinyaro ku galay Europe inaysan qaan gaarin oo gacanta lagu hayo oo dad gaalaa maamulaan loolana macaamilo sidii ilmihii walow qaarkood qaangaareen da ahaan., dhalintaasi wax barasho ayeey ku jiraan luuqadu ugu horayso. Qaybta 2aad waa dhalinyaro qaan gaaray oo wax barta, shaqeeyana qayb ahaan kuwaan shaqayna waxay qaataan CAYRTII.

Dhalinyaradaas Soomaaliyeed ee Europe u haajiray waxay haystaan 2 fursadood oo kala ah Waxbarasho iyo Shaqo waa qofkii isagu raba oo diyaar u ah, ileen waxaa jira kuwo badan oon labadaas midna rabin oo doonaya inay khiyaali ku noolaadaan.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo Soomaaliya oo jooga Europe oo nolasha ka dhacay oo sxb la ah nolasha dhinaceeda xun oo isticmaala maandooryeyaal kala duwan ood ku arki shaaracyada magaalooyinka waaweyn ee Europe, maaha inay isticmaalaan kaliya ee xataa way ka ganacsadaan, hadaan tusaale usoo qaato dalka Germany oo kale daraasad laga sameeyey Soomaalida maandooriyaha ku lug leh waxay galeen kaalinta 2aad waxaana baahiyey Saxaafada wadanka Germany, dhalinta reer Puntland aad bay ugu yar yihiin dadka marxaladaas ku sugan.

Guud ahaan dadka Soomaalidaa ee Europe jooga waxay haystaan fursado ay ka mid yihiin Waxbarasho, Caafimaad, Amni laakiin intaasoo dhan waxaa ku hareeraysan caqabado ee maaha wax iska baraxan oo meel iskayaal. Qofka shaqeeya waxaa laga qaadaa 33% cashuura wuxuu shaqeeyo, haduu shaqeeyo wax ka badan intii qorshuhu ahaana waxa dheerigaa ee uu shaqeeyey dawladaa iska leh.

Maadaama qaarada Europe tahay mid hormartay waxaa dadka iyo dawlada u dhexeeya waa system, tusaale ahaan wax kasta Posta ayaa laguu soo marin, taasina waxay khasab ka dhigtay in qofku maalin walba la socdo postiisa bal in wax warqadaa ugu jiraan, waxaa dhici karta in ganaax posta laguu soo dhigo oo hadaadan waqtigii saxdaa ku bixin inay 2 jibaar kugu noqoto.


Marka Postu waa waxyaalaha ay aad uga walaacaan Soomaalida Europe joogta.

Nidaamka, shuruucda iyo hab nolaleedka Europe ka jira waa kuwo ku salaysan qaabka ay iyagu rabaan taasoo keenta in dadka ajaaniibtaa la jaan qaadi waayaan oo ay dhib badan kala kulmaan, waana dhibaatooyinka ay wajahaan dad badan oo Soomaaliya.

Diinta iyo Dhaqanka:

Qaarada Europe Soomalida ku nool cibaadada dhib badan ayaa ka haysata, masaajidu waa ku yar yihiin, hadana waqtiyada salaadu aad bay isu badalaan maalin kasta, wayna adag tahay raga badankood inay masaajida haleelaan oo jamac ku tukadaan.

Dhaqanka waxaa aad u saameeyey dunida ay tageen oo waad ka dareemi in dhalinyaradu ay si fudud u qaateen dhaqamadii ka jiray wadamadii ay tageen, tusaale ahaan habka labiska iyo jarashada tinta oo ah laba shay ood markiiba si fudud u dareemi ileen waa wax narkiiba ishu ku dhicine.

Talada aan siiyey dadkii aan la kulmay:

Waxaan kula talinayey dadka aan kula kulmay Qaarada Europe arinahan soo socda:-


1. Diintooda iyo dhaqankooda inay ilaashadaan
2. Inay wax bartaan
3. Inay shaqystaan, waxay shayastaana wax ka kaydsadaan
4. Inay qorshe ka yeeshaan kusii noolaanshaha Europe ileen wax kastaa dhici karee.
5. Inay wadankooda dib ugu soo noqdaan markay helaan sharciya wadamada ay joogaan.

Gabagabo:

Anigu qof ahaan nolal uma doonteen Europe ilmana ma gaysteen cid lexajeclo iga haysana kulama taliyeen, ehelkii iyo asxaabtii aan kula kulmayna waxaan kula taliyey inay kasoo guuraan intay goori goor tahay.

Cida u hanqal taagina waxaan oran lahaa calyadiina dib u laqa. Gaar ahaan dhalinyarada safarka halista badan u mara Europe waxaan oran lahaa sahanka Europe kuwii idinka horeeryey ayaa ku hungoobay ee iska ilaawa. Europe ma istaahisho in loo tahriibo.!

W/ Q/ Abdifatah Nour Barre (Raange)

4-9.jpg


3-9.jpg


8-5.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
That's great news we have our own locals who go to Europe as Tourist. This guy was packed up with his own Visa card from Salam Bank in Puntland. He returned after his 3 month visit across Europe.
 
Anigu qof ahaan nolal uma doonteen Europe ilmana ma gaysteen cid lexajeclo iga haysana kulama taliyeen, ehelkii iyo asxaabtii aan kula kulmayna waxaan kula taliyey inay kasoo guuraan intay goori goor tahay.

Cida u hanqal taagina waxaan oran lahaa calyadiina dib u laqa. Gaar ahaan dhalinyarada safarka halista badan u mara Europe waxaan oran lahaa sahanka Europe kuwii idinka horeeryey ayaa ku hungoobay ee iska ilaawa. Europe ma istaahisho in loo tahriibo.!









REAL MAN.

I have so much respect for him. :dzmxmmb::it0tdo8:
 
He will go back with a new vision and new ideas

Puntland ha noolaato

MAKE PUNTLAND GREAT AGAIN

PIM... IF YOU KNOW YOU KNOW :yousmart:
 
Good Tourist from Jamhuuriyada Puntland

Imagine if Puntland and Somaliland had been independent for the past 25 years

Our people could have travelled all over the world

The technology, investment, links and business that would have brought

Instead we have been chained to failed South Somalia, with Mogadishu being the black hole that sucks all potential

Puntland has been losing out for 25 YEARS and will continue to lose out unless it changes course
 
Status
Not open for further replies.
Top