Puntland Security Forces PSF arrest 14 suspected Al-Shabab members in Garowe

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
Ciidamada PSF Puntland oo kaashanaya laamaha kala duwan ee Amniga iyo Dadweynaha Gobolka Nugaal ayaa galinkii dambe ee shalay ku guulaystey inay gacanta ku dhigaan tiro 14 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku wajahnaayeen buuraha Calmadow oo ay ku dhuumaalaysanayaan kooxaha Alshabab.

Dadkan la qabtey oo watey gaari yar oo nooca raaxada ayaa soo qarda jeexay dhul miyi ah oo aan ahayn wadada laamiga ah, waxayna isugu jiraan 12 rag ah iyo 2 dumar ah, Waxaana hadda su,aalo lagu weydiinayaa saldhiga bartamaha magaalada Garowe.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu ku jiro ragga la hayo nin ay iska dhaleen Somali iyo Ajnabi lamana oga labadiisa waalid midka Ajnabiga inkastoo uu shaqsigani si fiican ugu hadlayo luuqada Afka Somaliga, waxaana gacan lixaad leh ka geystey soo qabashadooda Dadweynaha deegaanada ay mareen iyo kan lagu qabtey oo ah duleedka bari ee Garowe.

Qabashada 14 Eedeysane ayaa kusoo beegmaysa iyadoo buuraha Caldamow iyo Galgala ay ciidamada PSF Puntland ka wadaan hawlgalo balaaran oo inta ay xaqiijiyeen lagu dilay 18 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabab.

Qoraal kazoo baxay maalmo ka hor Ciidanka PSF ayaa lagu sheegay inuu hawlgalkani sii socon doono inta Daacish iyo Alshabab laga sifeynayo Gobolka Bari oo deegaano ka mid ah ay ku dhuumaalaystaan.

IMG-20170711-WA0000.jpg

IMG-20170711-WA0001.jpg

IMG-20170711-WA0002.jpg


http://puntlandpost.net/2017/07/11/...san-yahay-alshabab-ku-qabtey-duleedka-garowe/

Puntland army will continue operations against A-shabab in the coming months.
 

Von

With blood and Iron will we reach the fatherland
send the Bantus back to Tanzania and the Arabs back to Yemeni, :fittytousand:
 

Axmed Xaji

Your non-biological father
Execute them on the spot. They're illegal combatants and have no Geneva convention protections.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top