Puntland President Begins Construction On Two Ministries. PICS

Status
Not open for further replies.

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
MADAXWEYNAHA DAWLADDA PUNTLAND OO MAANTA GAROOWE KA DHAGAX DHIGAY DHISMAYAAL WASAARADOOD
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta 30-Dec-15 dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu ka mid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhiim tahay in ay hesho dhisme ka bedelan kan ay hadda ku shaqayso.

Waxaana ka soo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha Dawladda Puntland ayaa intooda badani waxay u wada guureen dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Dawladda Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Dawladda iyo shacabka ah.

—DHAMMAAD—


XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.



http://www.sanaagpost.com/spost/wp-content/uploads/2015/12/IMG_9561.jpg

 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
IMG_9597.jpg

IMG_9613.jpg

IMG_9642.jpg

IMG_9664.jpg

IMG_9666.jpg

IMG_9666.jpg

IMG_9675.jpg

IMG_9686.jpg

IMG_9689.jpg

IMG_9766.jpg
 

DR OSMAN

AF NAAREED
VIP
This is the new ministry of ports building also under construction.
Dekedaha.jpg


This is ministry of livestock under construction, the design specs are on there

We only got top notch ministry for health, environment, and federal affairs. Plus now these two ministries under construction and ports and livestock. our next goal is to build new offices for ministry of education, security, and nformation
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top