Puntland Organises A Festival In Dhahar Sanaag

Status
Not open for further replies.

Yonis

Puntland Youth Organiser
FKD Visionary
VIP
IMG-20170822-WA00051.jpg

IMG-20170822-WA00031.jpg

IMG-20170822-WA00141.jpg


IMG-20170822-WA00131.jpg





Bandhig dhaqameed uu soo qabanqabiyay Ururuka HEEGAN DEVELOPMENT ORGANIZATION ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhahar.

Badhigan oo ka koobnaa dhamaan qaybaha kala duwan ee dhaqanka ayaa waxa uu qaatay mudo saddex maalmood ah, waxaana loogu magacdaray bandhiga HIBO IYO HAL-ABUUR.

Intuu uu socday bandhigu waxaa lasoo bandhigay qaybaha kala duwan ee dhaqanka Soomalida sida:

Cuntooyinka : cuntooyinka goobtaan lagu soo bandhigay waxay ahaayeen cuntooyinkii hore ee Soomaalida oo kala ah ; qaxan/ burdamas/ruub, miraha la cuno iyo haruur sidoo kale waxa goobta lagu soo bandhigay caanaha xoolaha iyadoo intii uu socday barnaamijku goobta lagu lulay caanaha nooca ciirta loo yaqaan lagana miiray subagii kadibna lagu sooray kasoo qayb galayaashii bandhiga. sidoo kale iyadoo aanay mesha ka maqnayn habka loo sameeyo cuntooyinkaas, iyo sidoo kale hees hawleedka cuntooyinka loo qado xiliga la samaynayo .

GOGOL: waxaa goobta lagu soo bandhigay gogosha sida dermooyinka, cawsas , salliyo ,iyo wixii La hal-maala, taas oo lagaga maarmay daahyo, roogag iyo waxyaalaha kale ee la goglado

SUUGAAN: barnaamijka intii uu socday ayaa waxaa suuganta qaybaheeda kala duwan ku tartamay tobaneeyo dhalinyaro da’doodu ka hoosayso 20 sano, kuwaas oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Weel-dhaqameed: Madasha bandhigu ka socday waxaa oolaa agabka ay Soomaalidu cuntooyinka u isticmaali jireen kaas oo gebi ahanba ahaa mid ay sameeyeen bulshadda Soomaalidu sida DHIILO, HARUUBO, XEEROOYIN IYO FANDHAALO , SATIYO HAAMO, IWM.

Markii uu barnaamijku soo gaba gaboobay ayaa waxaa la abaal mariyay saddexda kaalmood ee ugu sareeyay da’yartii ku tartantay Hibadda iyo Hal -abuurka eebe siiyay.

Intii uu barnaamijku socday waxaa goobta lagu qabanayey soo buux dhaafiyay bulshada reer Haylaan ku waas oo isaga kala imaanayey miyi’ magaalo inta u dhow magaalada dhahar ee lagu qabtay barnaamijka bandhiga dhaqanka, sidoo kale waxaa goob joog ahaa intii u socday bandhigu mamulka gobolka ,kan degmada ,Odayal dhaqmeedyo iyo xildhibaano

Tartanku kuma ekayn keliya Hal abuurka, maanso ee waxaa goobta ku tartamay lixda xaafadood ee degmada dhahar ka kooban tahay kuwaaas oo ku tartamayay qalabka dhaqanka, cunta dhaqameed, weelka dhaqanka iyo Gogol dhaqameedka.

markii la saaray miisaanka dareenka shacabka ayaa wuxu noqday kii ugu xiiso badnaa oo lagu qabtay gobolka Haylaan

Bandhigan dhaqan iyo suugaaneed waxaa garsoor ka ahaa abwaaniin dhaqan yaqaano qorayaalka Ku xeeldheer dhaqanka Soomaalida iyo macalimiin aqoon durugsan u leh dhaqanka iyo afka Somaliga.

Si kastaba ha ahaatee barnaamijkan ayaa noqonaya mid soo jiitay indhaha cidkasta soo xaadirtay madashii bandhiga.

Gabagabadii ayaa waxaa bogaadin balaadhan usoo jeediyay ururka HEEGAN ee soo qaban qabiyay barnaamijkaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida Siyaasiyiinta, Oday dhaqamedka iyo dhalinyarada .

Ururka HEEGAN ayaa waxay balan qaadeen inay sanadka soo socda midka baaxad oo mug wayn kii sanadkan ay qaban doonaan, ayadoo bulshada loogu baaqay inay ka qayb qaataan taaba gelinta bandhig wayn oo gobolka Haylan ku tartamaan degmooyin iyo deegano kaleba.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top