Wararka ay helayso shabakadda Khaatumo News, ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Maamulka Puntland ,aqbalen in Saldhig Jabahadeed Lasiiyo Beelaha Sacad iyo Cayr ee Habar Gidir,
Saldhigan ayaa yimid kadib markii masuuliyiin ka socda Beesha Cayr gaar ahaan Ahlu sunna ay kulamo isdaba joog ah la qaaten Madaxda puntland,
Caasimada Garoowe, Waxaa ku sugan dhamaan Madaxda Ahlusunna oo Dagaal looga saaray Degmada dhuusamareb islamarkaana lagu khasbay inay ku raali noqdan maamulka Qoor qoor.
Maalmaha soo socda waxaa Deegaanada Gobolka galgaduud ee Beesha caydh-degto ka iman doona ciidamo Hubaysan iyo saanad military, waxey soo mari doonaan dhanka Degmada Galdogob ee Puntland iyagoo isku aruursan doona Deegaanka Heema oo Gaalkacayo u jirta 20km,
Dhanka kale Beesha Sacad ayaa waxay hub iyo ciidan leedahay isugu geyn doonta Xaafada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.
Qorshaha ay wadaan Beelaha Cayr iyo Sacad ayaa ah in labadaasi garab bilo gudahood ku dhisaan ciidan awood leh, waxay heshiis ku gali doonaan inay mideeyaan awoodooda si ay ka hortag iyo iska caabin ugu sameeyaan kooxda Qoorqor,
Dulaanka hore ayaa ah inay u ruqaansan doonaan Magaalooyinka, Bandiiradleey, Hoybo, Cadaado, ilaa ay Dhuusamareeb ka gaaraan.
Qorshahan abaabulan ee Beelaha Habar Gidir, wadaan islamarkaana puntland ku marti galinaso Mudug ayaa kusoo beegmaya xili kenya ay ku marti galinaso Xuduudka Jabhado hubaysan oo sita magaca Maamulka Jubaland.
Dawlada U Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa dib u bilowday inay somaaliya ku celiso 1991 kadib markii ay dagaal toos ah ku abaartay Urur diimeeydo beelaysan iyo maamul goboleedyo beelaysan,
30 Sano ayay qaadatay in la joojiyo xabad ay xiliga xal mooday Dawladii Maxamed Siyaad Barrem oo kula dagaalantay Gudaha dalka dadkii ay xukumasay,,Mar kale waxaa mooda in Xukumad xalmaoday xabad ay Soomaaliya ka talinaso,