DAAWO: Puntland oo ku dhawaaqday in baaris ku sameynayso xoolaha la qalo
July 11, 2022 Xuseen 0Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in baaris caafimaad ku sameynayso xoolaha lagu qalo deegaannada Puntland, si looga hortago cuduro ka dhashay cunista hilibka xoolaha.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe) oo dhowaan hortagay Baarlamaanka Puntland ayaa xusay inay diyaariyeen koox dhakhaatiir ah oo baaris ku sameynaysa xoolaha la keeno seyladaha magaalooyinka iyo deegaannada kale ee Puntland, si loo hubiyo caafimaadkooda.
Wasiir Libaaxe ayaa xusay in neefkii ka gudba baarista caafimaad, la siin doono shahaado, kaddibna si loo qalo, halka neefkii laga helo cudur dib loo celin doono. Isagoo intaas ku daray in tallaabadan looga gol-leeyahay in laga hortago cudurada laga qaado hilibka xoolaha.