PUNTLAND OO SHEEGTAY IN AY QABATAY MADAXII DAACISH U QAABILSANAA DILALKA IYO QARAXYADA GOBOLKA BARI
Kani waa sawir hore
Ciidanka Amniga Puntland ee PSF, ayaa ayaa faahfaahin dheeriya ka bixiyay, hawlgal saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku fashiliyeen weerar ay soo qaadeen dableey ka tirsan kooxda Daacish.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu dilay xubin ka tirsanaa Daacish, islamarkaana nolosha lagu qabtay isagoo dhaawac ah madaxii Daacish u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, inkastoo aysan magaciisa shaaacin.
“Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.” ayaa lagu yiri qoraal PSF.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidanku hawlgalkaasi ku qabteen gaari miinaysan, oo ay wateen xubnaha Daacish, kaasi oo ay ka buuxeen hub iyo qaraxyo la doonayay in waxyeello loogu gaysto shacabka Boosaaso.
“Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.” ayaa la sii raaciyay qoraalka.
Dhinaca kale, weerarka waxa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidanka PSF, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan, inkastoo PSF aysan qoraalkeeda ku xusin khasaaraah dhankooda gaaray.
PUNTLAND POST