Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug.
Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda si ay uga faa’iisaystaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dhismaha dekada magaalada Garacad ee gobolka Mudug ayaa shalay oo Talaado ahayd la dhagax dhigay.
Sida qorshuhu ahaa waxaa la filayay in Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar ku jooga Puntland uu ka qeybgalo munaasabada dhagax dhiga, balse ma dhicin.
Khayre ayaa la sheegay in uu ka baaqdsay in uu ka qeybgalo, balse lama sheegin sababta keentay.
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay munaasabada dhagax dhiga oo ka dhacday magaalada Garacad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baaqsatay dhagax dhiga dekada.
“Odayaasha iyo isimada dhammaan meesha ka hadlay waxay ka sharqamiyeen maanta in ay ahayd in lagu sharfay Dowladda Federaalka in ay timaado ka soo qeybgasho, dhagax dhigto mashruucaan laakiin ay ka baaqsatay, waa run weeye, waa dhagax dhigan karnaa anagu wakhti hore, laakiin in badan ayaa waxaa dib la isugu dhigayay in la weyneeyo oo aanu dowladayada sida la sheegay dhiig iyo dhacaanba Puntland u hurtay in ay timaado kasoo qeybgasho ay dhagax dhigto laakiin ma dhicin nasiib daro sabab kasta ha noqotee,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli.
http://puntlandmirror.net/muxuu-khayre-uga-baaqsaday-dhagax-dhiga-dhismaha-dekada-garacad/