President Hassan Sheikh: The constitution will be completed within the next 2 years,

Jungle

VIP
Looks like the opposition convinced Garguurte to back down from pushing changes to the constitution until PL rejoins the process.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore ayaa shalay kulankoodii labaad ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Kulankan oo saacado badan qaatay ayaa ka waqti dheeraa kii khamiistii la soo dhaafay labada dhinac dhex maray, iyadoo dood iyo falanqeyn dheer laga yeeshay arrinta wax ka bedelka Dastuurka, Nidaamka la rabo in xukunka dalka lagu salleeyo sida Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, iyo labo xisbi siyaasadeed waxaana ugu dambeyn la isla gaaray is faham hordhac ah.

1- In la soo dhamaystiro xubnaha madasha wadatashiga qaran oo go’aanadeedu wadar-ogolka yihiin. Taasoo ka dhigan in Puntland lagu soo qanciyo geeddisocdka qabyotirka dastuurka.

2- In habraaca wax ka bedelka dastuurka loo maro habraaca ku xusan cutubka 15-aad ee dastuurka oo aan meel looga leexan. Si taas loo suura geliyana in marka hore wadatashi dadwaynaha laga hormariyo Baarlamaanka.

3-In la magacaabo guddi xildhibaanno ah oo ka dooda, isbarbardhiga, kana soo tala bixiya nidaamka dowladnimada ee Madaxtooyada iyo Barlamaaniga ah, iyagoo ku eegaya xaaladda dalka

4- In la is waafajiyo xaalada Somaliland iyo wax ka bedelka ee hannaanka siyaasadeed ee dawlada.

5- In guddoonka labada aqal qayb ka noqdaan go’aanada lagu heshiiyey

6- In arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo asxaabta looga heshiiyo hannaanka lagu qabyo tirayo xeerarka asxaabta iyo doorashooyinka- Abdiaziiz Golfyare

Don't be so naive. This is to stall the opposition in Xamar
 

Jungle

VIP
Waxaa baaqday kulan dhexmari lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore oo maalmahan kulamo isdaba joog ah u socdeen.

Lama oga sababta keentay in uu kulanka baaqdo, laakiin ilo ku dhowdhow Xubnaha mucaaradka ah ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay cudurdaar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Hase ahaatee warar kale ayaa sheegaya inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweynaha kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah - Abdi Aziiz Golfyare

Apparently the opposition (Sharif, Kheyre, A.Cosoble, AAW, Xalweyste) were supposed to meet with the upper and lower house heads today but Adan Madobe backed out for an unknown reason.

That last bit golfyare he is just speculating and stirring the pot He isn't on the HSM train lol
 

Trending

Latest posts

Top