PL slaughters poor Madhibaan people

Status
Not open for further replies.

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
Ciidamada Maamulka Puntland oo Afar Ruux ku Dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
54 0 Google +0 0


Axad, November 15, 2015 (HOL) — Ciidamada amniga Puntland ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta toogasho ku dilay afar qof oo shacab ah, iyadoo dadka geeriyooday la sheegay in rasaasta lagu furay ka dib markii ciidamadu ay ka shakiyeen.

Gaariga xabada lagu furay ayaa siday qof dhaawac ah, waxaana la sheegay inay doonayeen inay gudaha u galaan isbitaalka, balse is-fahan daro labada dhinac dhex-martay ay sababtay rasaastan khasaaraha dhalisay.

Tirada dhaawaca ayaa gaaraysa lix ruux oo kale oo ay ku jiraan dad goobta ka ag-dhawaa, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Mudug iyo midka Gaalkacyo ee maamulka Puntland oo arintan la xiriirta.

“Walaal arinta waxa ay ka bilaabatay shaki ay ciidamadu ka qaadeen gaari dhaawac u soo siday Isbitaalka, ma hubno in darawalkii gaariga uu ka dhaga adeegay in uu istaago iyo in kale,” ayuu yiri goob-jooge dalbaday inaan la carabaabin oo goobta ku sugnaa.

Toogashadan ayaa dhacday xilli hore oo aroorti ah, waxaana qofka dhaawaca ah la sheegay in laga keenay meel ka baxsan Gaalkacyo, isagoo kusoo dhaawacmay aano qabiil oo dhex-martay beelo dagaalamay.

Ugu danbayn, shalay ayay ahayd markii labo qof ay ku dhinteen is-rasaa-sayn dhax-martay kooxo dablay ah iyo ciidamada Puntland oo ilaalo ka hayay xero ku taalla Gaalkacyo, taas oo maamulka gobolka Mudug uu bilo ka hor la wareegay.

Faysal Mohamed Hassan
Boston@hiiraan.com
 

Freebandz

MONEY TEAM
In somnet some hawiye guys were saying this fight was @Air Jalam people getting the work from Morgan's sub clan who usually live in Ethiopia:gunsmiley:
If the story is true @Air Jalam might need to enlist his mj sub clan can't take this many L's in less than a month:ftw9nwa:
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top