Oromo forced 10,000 Somalis to flee from their homes

Status
Not open for further replies.
10,000 Somali's are forced to flee from there homes & become displaced due to territorial encroachment by Oromo's

Warbixin: shacabka Soomaalida Ogaadeenya ee dagaalka Oromada & Hawaarintu saameeyay oo xalad adag ku sugan
Sunday, July 16, 2017 Views

Spread the love


Sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah hawlawdeenada Qorahay Media ee gudaha Ogaadeenya ku sugan waxaa xaalad aad u cakiran ku jira shacabka Soomaalida Ogaadeenya guud ahaan gaar ahaan kuwa ku teedsanaan deegaanada ay Ogaadeenya & Oromia iska gaadhaan, sida lala wada socday deeganadaas waxaa ka dhacay dagaalo u dhexeeyay kooxda Hawaarinta & shacabka Oromada ah waxaana mudo ka dhex jiray dagaalo soo noqnoqonayay oo khasaare dhinac awlba ah gaystay



Hadab deegaanda ay dagaaladu ka socdeen waxaa ku teedsanaa shacbka Soomaalida Ogaadeenya oo ay shacbka Oromia danwadaag ahaayeen waxaase saamayn ku yeeshay dagaalka gardarada ah ee kooxda Hawaarinta ay Tigreegu galiyeen, shacbka Soomaalida ah waxay dareemeen culays aad u xoog badan waxayna ka baro keceen dhulkoodii ay abid daganaayeen waxayana dageen meesha layidhaado Qoloji oo magaalada Baabili u muuqata 2 KM kali ahna u jirta halka ay Jigjiga u jirto 20 KM



Dadkaas oo titradooda lagu qiyaasay ilaa 10000 toban kun oo ruux kor u dhaafaya sida sawirka ka muuqatana waxay kujiraan aqalo macmal ah oo baco aan wax celinaynin ka samaysan, meesha dadkan hoyga u ah qorax & qabow midna ma celinayso, dadkani dhibaatooyinka ay qabaan oo aad u badan waxa kamid ah in aysan xitaa Afsoomaaliga badankood ku hadlaynin sababtuna waxay tahay Oromo ayay waligood ku dhex jireen waxaana saameeyay kacdoonada Ethiopia gilgilaya iyadoo Soomaalinimaduna ay caqabad ku tahay kadib markii kooxda Hawaarinta ee Tigreega dhaaraanka u ah shacbka Oromia ee xaqooda raadsanaya laga hor geeyay dagaalada khadhaadhna ay ku qaadeen

Hadaba dadkani ma haystaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah sida xarumo ganacsi, xarumo caafimaad, kuwo waxbarasho & dhamaan adeegyada bulshadu aysan ka maarmin waxayna dhex daadsanyihiin buuro qabowga & kulaylku ay ku hareereeyeen, dadkan waxyaabaha uu culayska badani ka jiro waxaa kamid ah meesha musqulo & malaha biyo ku filana ma helaan mana jirato cid u maqan oo meeshaas kaga warhayso allaah ayaayse sugayaan oo abuurtay markii ay habqanka ku soo galeen Jigjiga waxaa isa soo dhaafiyay kooxda dhiig miiradka ah ee gumaysigu dhibaataynda shacanka u kawiishay waxaana lagu daaadiyay halkaas dibna looma xusuusanin.

Dadkani waxay ahaayeen dad muruq maal ah oo beeraley u badan dhulkii ay beeran jireena way ka soo baro keceen xoolana ma haystaan cunta yaraanto & macaluul ayayna la liitaan dhamaantood, dadkan oo dhulka ay dageen laftiisa la qabsigiisu xili ku qaadanayo ayaa dhinaca kale waxay is weydiinayaan away horumarkii Jigjiga laga sheegayay & barwaaqadii waana dad aad qariib ugu ah deegaankaas ay ku dhibaataysanyihgiin.
 
Don't forget to welcome the Oromo illegal immigrants in Somalia because they are our brothers and nearest people to Somalis.
 
Last edited:
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top