Galmudug-State
VIP
President Ahmed Madoobe plans to stay in power until his last breath.
Dowladda JL oo u xuubsiibanayso Boqortooyo!
----------------------------------------------------------------------------
Waxaa jira dhaqdhaqaayo kasocda gudaha Golaha Baarlamaanka Dowladda Jubbaland,oo lagu karkarinayo isbadal in lagu sameeyo muddo xileedka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Sayid Axmad Maxamad Islaam.
Sayid Axmad ayaa ka codsaday Baarlamaanka in ay diyaariyaan hidiso sharciyeedkan,wax lagaga badalayo Dastuurka JL.
Arrintan waa talaabo horu dhac u aha,ama gogol xaar u aha in Golaha Baarlamaanka JL fuliyaan rabitaanka Madaxweynaha waqtiga kuhabboon.
Waana talaabo haddii ay hirgasho wax wayn kabadali doonta nidaamka lagu yagleelay Jubbaland!
Madaxweyne Sayid Axmad Maxamad Islaam ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u koroya sidii uu u xaqiijin lahaa qorshahan halista galin kara mustaqbalka Jubbaland.
Shirkan wuxuu dhici doonaa marka ay dhamaato doorashada heer Federaal,waxaana lagu qaadan doonaa qodobadan hoos kuxusan:-
1-Baarlamaanka hadda jira ayaa sii joogaya inta laga gaarayo doorasho one man&one vote aha.
2-Muddo xileedka Madaxweynaha waxaa laga dhigayaa shan sano ( 5 Years )
3-Shanta sano waxay uga bilaabanaysaa Madaxweyne Axmad Madoobe taariikhda Baarlamaanka JL ansixiyo hindiso sharciyeedkan.
4-Madaxweynaha xilka kufadhiya wuxuu isu sharixi karaa doorashada Madaxweynaha inta jeer ee uu doono.( Free time )
Nuxurka dhaqdhaqaan iyo natiijada laga rabo ayaa aha in uu Sayid Axmad Maxamad Islaam kursigan kusii fadhiyo inta uu doono!
Xogtan waa run,waana biyo kama dhibcaan,walow uu wali waqti dhimanyahay!
Abdirahman Sahal Yusuf
29-10-2021