Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta iyo 20 dal oo kale oo diyaar u ah inay aqoonsadaan Somaliland - Middle East 24
Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Warbaahinta Middle East 24 ayaa sheegtay in ilo ka tirsan qaar ka mid ah warbaahinta Afrika ay u xaqiijiyeen in Mareykanka, UK, Israa’iil, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo 20 dal oo kale ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay ee heshiis lagu aqoonsanayo Somaliland bilaha soo socda.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Somaliland sidoo kale la filayo inay ku biirto heshiisyada Abraham Accords (Heshiisyo xidhiidh dibulumaasiyadeed lagula yeelanayo Israa'iil), taas oo noqon doonta isbeddel diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana saameyn weyn ku yeelan doona gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhowr jeer hore u sheegay shacabka iyo warbaahinta in aqoonsiga Somaliland uu aad ugu dhow yahay, isla markaana ay socdaan wada-hadallo muhiim ah oo la xidhiidha arrintaas.
Sida ay warbaahinta maxalliga ahi warisay, Madaxweyne Cirro ayaa kulan uu dhawaan la yeeshay culimada waaweyn u sheegay in Somaliland la aqoonsan doono bisha December ee sannadkan, inkasta oo aanu si toos ah u sheegin cidda dhabta ah ee aqoonsanaysa.
Madaxweynuhu sidoo kale hadal uu u jeediyay bulshada reer Berbera bilo ka hor ayuu ku sheegay in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsan doono inta uu xilka hayo, isla markaana ay dhawaan reer Berbera isu soo noqon doonaan iyadoo Somaliland la aqoonsaday.
Sidoo kale, hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay magaalada Ceerigaabo, oo uu kaga qaybgalay shir nabadeed, ayuu sheegay inuu waraaqo uu ku codsanayo aqoonsi u diray madaxda caalamka, isaga oo uu sheegay in uu helayo jawaabo rajo leh, islamarkaana madaxda caalamku ay ka garaabayaan qadiyadda Somaliland.
Tan iyo markii la doortay, Madaxweynaha Somaliland ayaa saddex jeer ku noqday dalka Imaaraadka Carabta, isagoo kaga qaybgalay shirar caalami ah. Shirarka ka sokow, laguma faafin xogta rasmiga ah ee kulamada kale ee uu la yeeshay madaxda Imaaraadka, balse waxa loo arkaa in Imaaraadku, oo ah maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland, uu si dadban uga shaqeynayo aqoonsiga Somaliland.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa dhawaan safar ku tagaya dalka Maraykanka, oo hadda hormuud u ah dadaallada aqoonsi raadinta ee Somaliland, iyadoo xildhibaano badan oo ka tirsan labada aqal ee sharci dejinta ay si weyn ugu ololeynayaan in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado, xilli golayaasha uu hor yaallo sharci rasmi ah oo la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland.
Haddaba, marka laga yimaado dadaallada socda, hadalka Madaxweyne Cirro ayaa rajo weyn geliyay qaybo kamid ah shacabka reer Somaliland, kuwaas oo qaarkood aaminsan in madaxweynuhu uu ogyahay heshiisyo hoose oo lagu aqoonsanayo Somaliland, marka la eego sida uu si maldahan u muujinayo in aqoonsigu soo dhow yahay.