New Borama Song Ahmed Zaki

Status
Not open for further replies.
This is what Abwaan Abdullahi Hassan Ganey, who wrote the lyrics to the song wrote on his facebook the other day:

2003dii ayaa aniga iyo saaxiibkay Mohamed Abtiyo is tusnay in aanu tagno Boorama. Qorshe degdeg iyo ismaqiiq ku dhisan ayuu ahaa, waayo magaalad cid kamaanaan garayn, lacag badan oo huteel lagu dagi karana maanaan haysan. Yeelkeeda’e tagnay. Xaafad aanan aqoon u lahayn balse reer aanu jaarnahay ay wax isku ahaayeen baanu isku shubnay. Ilaa hadda waxa maskaxdayda ka bixi la’ wanaagii iyo gobanimadii aanu Boorama kala kulanay. Xaafadaasi si sharaf, waji-furnaan, kalgacal iyo xiiso leh bay noo soo dhawaysay. Magaalada farxad baanu kala kulanay. Boorama waxa ay ahayd magaalo aad uga dad daggan, uga rabshad yar, ugana qaad iyo qaylo yar magaaladii Hargaysa ee aanu ka nimid. Xasuustaa muddada badan ila noolayd ayaan ereydan ka sameeyay.

Iyadoo Cirkii heley
Cagaarkiina soo baxay
Ubuxuna cidhiidhiga
Dhirta Ciijinaayoo
Cunihiyo qanjaha yimid
Saw ciida Boorama
Cagahayga maan dhigin

Dadku camal macaanaa
Gobsanaa Cudoonaa
Cisigoodu badanaa

Runta lama cabudhiyoo
Xaqa lagama caagee
Carra Awdal waa meel
Naxariista curisoo
Laga caajisayn abid

Iyadoo ay ciid tahay
Oo caano iyo nabad
Cawo iyo baadhidhiyo
Farxad lala ciyaaroo
Nimco lagu casuunyahay
Saw buurta Sheekh Cali
Casar gaaban maan korin

Dhulku cosob qurxoonaa
Dhirtu carfi udgoona
Shimbiruhu cod dheeraa

Runta lama cabudhiyoo
Xaqa lagama caagee
Carra Awdal waa meel
Naxariista curisoo
Laga caajisayn abid

:salute::banderas:
 
Status
Not open for further replies.
Top