Mogadishu Gov to retrieve more Prisoners this time the Iand of Seychelles

Status
Not open for further replies.
July 24 (Jowhar)—Socdaal laba cisho qaatay oo wafdi ka socda Xukuumadda Jamhuuriyadda Seychelles ay ku joogeen Caasimadda Muqdisho ayaa jawi guul leh ku dhammaaday.

wafid-sych-1.jpg




Wafdigan oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles ahna Shirguddoonka kooxda xiriirka ee qaabilsan arrimaha burcad badeedda Xeebaha Soomaaliya H.E. Ambassador Barry Faure ayaa soo dhoweyn iyo casuumaad gaar ah ka helay dhiggiisa Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi.

Kulan ay yeesheen Labada Wasiiru dowle ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka, iskaashiga, la dagaalanka burcad badeedda iyo maxaabiista Soomaalida ee falalkaasi ugu xiran Jasiiradda Seychelles.

Dhankiisa, Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Adv. Mahdi Ahmed Guled ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Seychelles, waxaa ayna ka wada hadleen xiriirka taariikheed iyo midka istiraatiijiyadeed ee labada dal oo ku dhisan iskaashi dhow iyo dano wadaag.

Kulankani oo ahaa mid wax ku ool ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda H.E. Dr. Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Ahmed Ali Dahir.
 
Ciidamada Faransiiska ayaa qabtay ragan Soomaalida ah markii hore iyagoona u gudbiyey Jasiirada Seychelles bishii January 30 sanadkii 2014.
shi-2.jpg


_67677777_prisoners_afp624.jpg
Prisoners in the Seychelles, accused of piracy


burcada-badda.jpg



The Boys will soon Come home thanks to The Somali Gov
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top