Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan oo kasoo dhex muuqday Odoyaasha la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Somaliland u jeedisay maamulka Puntland, wuxuuna sheegay dhaawaca gabadhiisa Canab inay u geysatey Gabadh kale oo ay ehel wadaag yihiin ka dib dagaal labada gabdhood iskood u dhexmarey.
“Gabadheydu Garoowe ayay deganayd, waxayna isku dhaceen Gabdh kale oo ay xaafad ku wada jireen,ma ahayn dhacdadaasi wax maamulo iyo siyaasad kasoo jeeda, Sidaas darteed waxba kama jiraan waa been wararka ay buunbuuniyeen masuuliyiin xilal ka haya maamulka Somaliland” Ayuu yiri Cali Xaaji Aadan oo ah Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan.