WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO SOO GAARAY GAROWE

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Fedwraalka Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Wasiir Huruuse, waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmaha soo socda soo gaari doona Puntlnd.