• This website is being upgraded. Theme is temporary.

HSM Admin. destroys paralysed vet's house and throw him in a shelter

Mohamedamiin120

Marxist-Leninist, Somali (Galbeed).
So ? He wasnt a general or anything important, I dont even think he served in the war
I am saying he is doing this because (I have no proof of this, just straight conjecture) he has some sort of resentment against war veterans, because all his life they were of higher status then him and even as he leads the country they are more respected them him.
 

Mohamedamiin120

Marxist-Leninist, Somali (Galbeed).
You're onto nothing
1759332296755.png
 
According to Abdulkadir Mohamed Nur, former defense minister. This are the reasons:

Dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ma oga in dakhliga ay soo xareyso DFS uu yahay oo kaliya $429.4 milyan (filashada dakhliga gudaha ee 2025) halka khaarashaadka uu yahay 1,342.5 bilyan, taa oo macnaheedu yahay in kharashku uu la eg yahay in ka badan seddex laabka dakhliga aya sameyso DFS!

Marka ay sidaa tahay waxaa qof walba oo si sax ah u fekeraaya ku waajib ah in uu is weydiiyo, halka misaaniyadda dowladda laga kabo.
Dakhliga dowladda waxaa lagu kabaa deeqaha aan dibadda ka helno oo intooda badan ah mashaariic qoondeysan oo aan fulinno kaliya shuruudahooduna ay aad u adag yihiin.

Arrintase taa ka daran ayaa ah in marka laga soo tago mashaariicda na lagu kaalmeeyo, in miisaaniyaddeena lagu maareeyo mushaar iyo kharashaad howl socodsiin oo kaliya.

Waxaan ku jirnaa dagaal joogta ah oo aan ku baacsaneyno argagixisada wax qoonda ahna aanan ku laheyn miisaaniyadda dowladda, hal wiil oo naga dhaawacmo ayaa mararka qaar 70-100kun oo doolar nooga baxdaa daryeelkiisa caafimaad. Miisaaniyadeena kuma jirto lagac rasaas, hub, gaadiid dagaal iyo sahay ciidan lagu gado, marka waa in qof walba is weydiiyo dagaalka dalka lagu xoreynaayo muxuu ku socdaa? ciidamada macawusleyda ah ee meel walba ka halgamaayo maxaa lagu taageeraa?

Waxaad la socotaan inaan ku jirno dagaal dublumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu difaacaayo midnimada dhuleed iyo badqabka badda iyo barriga soomaaliyeed, ma qiyaasi kartaan dagaalka intaas la eg oo wax qoonda ah aan ku laheyn miisaaniyadda sida loo maareeyo iyo waxa lagu halgamo oo wax lagu kala farsameeyo halka ay ka yimaadaan.

Waxaad la socotaan in madaxtooyada JFS ay ku jirto halgan qaran oo la isaga caabinaayo faragalinta shisheeyaha uu ku hayo siyaasaddeena arrimaha gudaha iyo dibadda labadaba, cadawgeenu waxa si joogta ah ugu howlan yahay abaabul lagu kala jarjaraayo dalka, lagu kala fogeynaayo umadda, laguna abuuraayo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni, waxaa la rabaa in qofka dalkaan u naxaayo uu is weydiiyo maxaa dagaalkaas la isaga caabiyaa oo wax lagu kala farsameeyaa ama lagu kala sanceeyaa. Sow ma ogidiin in sideeda qeybood ee dakhliga sakada lagu bixiyo oo quraanku sheegay ay ka mid tahay (Mu’allafatu Quluub) oo macnaheedu yahay dad ay dowladdu iska maslaxeyneyso oo muxaafid in ay noqdaan shartoodana laga nabadgalo laga shaqeynayo. Wali miisaaniyadda ma ku aragteen madax lagu magacaabo “Mu’allafatu Quluub” oo quraanku jideeyay. Mise Wold Bank iyo IMF ayaa kula fahmayo kharashaad wax lagu sanceeyo?
 

Trending

Top