Hees: Barakee Allow Xamar



Inkastoon bukaaniyo,
Soo maray xannuun badan,
Oo badanka oogada,
Bastay muddo ayaan jiray,

Ka bogsooday maantoo, waa nabad barbaarey [x4],

Waxaa baarka ii fidhay,
Shacab barakacaygiyo,
Burburkayga neceboo,
Baaba'aygu dhibayoo,
Birmadkii dadkaygaa,
Boogihii daweeyee,
Kaalaya bulshada dhaha.
 
Last edited:

Trending

Latest posts

Top