GUDDI LOO XIL SAARAY XALLINTA XIISADII GAROOWE OO GO’AANNO SOO SAARAY
Guddigii loo saaray xallinta xiisaddii Garoowe ayaa ku dhawaaway go’aan ah in la qabto doorashada saddexda degmo ee Gobolka Nugaal.Waxaase go’aankaas weheliya laba qodob oo kala ah; in aan gebi ahaanba wax ka beddel lagu samayn karin Dastuurka Puntland iyo in aysan doorashada madaxweynaha dhaafi karin 8 Jan 2024.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay geed ka go’an difaaca Gobolka Sool waxaana uu ugu baaqay bulshada Gobolka Nugaal in ay si buuxda uga qayb qaataan.

