Former Dharkenley District Commissioner Arrested for being a Member of the Khawarij

IKHALIIL

WW3 ENJOYER
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta soo xiray guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo loo haysto Al-Shabaabnimo, kaas oo ay in muddo ah ay ku raadjoogeen ciidamada ammaanka.

NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir uu ka tirsanaa Al-Shabaab, muddana uu ku dhex dhuumanayay dowladda.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha Dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka.

NISA ayaa sheegtay in Abuukar uu Al-Shabaab ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, isla markaana uu tababar Sirdoon kusoo qaatay magaalada Baraawe.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu kooxda u gudbin jiray xogta saraakiisha iyo wax ka socda xafiisyada hay’adaha dowladda Soomaaluya.

“Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu Khawaarijta ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose isaga oo Khawaarijta ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.


Xilliga la qabanayay mas’uulkan hore ayaa kasoo dagay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ka yimid magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraalka.

“NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya” ayaa lasii raaciyay.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa Khawaarijta waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed”.

Abuukar Axmed Caddow Tifoow wuxuu 2019-kii ilaa 2020 uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley, sidoo kale intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 wuxuu soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka degmada Wadajir
 

Jungle

VIP
During NN term dharkeenleey was a slaughterhouse for Abgaal nabadoons, teachers, doctors and businessmen so I'm not suprised here at all.

This guy is xawaadle
 

IKHALIIL

WW3 ENJOYER
During NN term dharkeenleey was a slaughterhouse for Abgaal nabadoons, teachers, doctors and businessmen so I'm not suprised here at all.

This guy is xawaadle
Shit, I had no idea it was that bad. Was it tribal or purely terrorism?
 

Jungle

VIP
Shit, I had no idea it was that bad. Was it tribal or purely terrorism?
Blurred lines sxb NN & Shabab had a working relationship imo. None were tribal.

Just look through fb and set the search date to the years under nabar iyo naxdin and you'll see dharkenleey had disproportionate number of murders commited by al shabab compared to the other districts.
 

Bazed

Tired.
VIP
He supposedly was working with AS since 2014. NISA needs to question him sharply in a dark cell, see what and who he knows.
 

repo

Bantu Liberation Movement
VIP
This is absolutely great work by the police, CID in cooperation with NISA
 
Trying to make Somalia safe is like trying to erase the existence of sharks in the ocean
Make It Stop The Office GIF
 

johnsepei5

Head of Somalia freemasonry branch
VIP
He has been living right under their noses
Working for al shabab since 2014,al shabab probaly has many more of these guys
 

Dalac Bilaash

☠ Emperor of The Horn ☠
He has been living right under their noses
Working for al shabab since 2014,al shabab probaly has many more of these guys
Tbh NİSA is doing tremendous job so many hidden shabaab members in the government have been purged out the remaining ones would also not feel comfortable now that so many got exposed they will have to escape like that one driver of Gudoomiye mursal.
 

Trending

Top