Farmajo's personal driver defects to the khawarij

IKHALIIL

Suldhaanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la xaqiijiyey in darawalkii gaarka ahaa ee madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u goostay kooxda Al-Shabaab, arrintaan oo tartiib u soo ifbaxday ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka yaabisay dadka Soomaaliyeed.

Sida ay xogtaan ku heshay Caasimada Online, Sahal Maxamed Xirsi wuxuu ahaa darawalkii qaaska ahaa ee Farmaajo, kaas oo waday gaarigii garoonka Aadan Cadde geeyey Farmaajo safarkii ugu dambeeyey ee Garoowe uu ku tegay.

Sahal ayaa gaarigii Farmaajo la baxsaday markii uu ka soo laabtay garoonka, waxaana naloo xaqiijiyey inuu isku dhiibay kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Xogta aan fakashada ninkaas ka helnay waxay intaas ku dareysaa in gaariga uu ka iibsaday gudaha caasimadda Muqdisho, isla markaana uu horay u qaatay lacag kumanaan doollar ah oo gaarigii Brufta ahaa uu kala baxay.

Sahal ayaa la sheegay in maalmo ka hor uu ka degay magaalada Kismaayo ee Jubbaland, isla markaana uu kaga sii gudbay deegaanada ay joogaan Al-Shabaab, si kooxdaas uu ugu dhex noolaado.

Ilaa hadda kooxda Farmaajo wax faahfaahin ah kama bixin halka uu ku dambeeyo darawalkii gaarka ahaa ee Farmaajo, balse dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa dib u xusuusanaya xaaladihii amni ee dalka ka jiray xiligii uu xukunka joogay Farmaajo.


Markii uu dhacay weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla afaafka hore ee madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goodtay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal guddoomiyihii golaha shacabka u joogay Farmaajo, taas oo muujisay heerka uu gaaray isku milanka hey’adaha dowladda iyo Al-Shabaab.

In darawalkii Farmaajo uu Shabaab aaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo kooxda Farmaajo.

Sanadihii uu xukunka joogay Farmaajo ayaa la sheegaa inay aad isugu milmeen hey’adaha dowlada iyo kooxda Al-Shabaab, taas oo argagixisada u suurta gelisay inay dilaan qof kasta oo ay doonaan, meel kastana galaan ama weeraraan.

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaal culus ku qaadat Al-Shabaab markii ay xukunka kala wareegeen tii Farmaajo, waxaana gobollada dalka ka bilowday dagaal toos ah, halka uu Muqdisho ka bilowday howlgal kale oo lagu kala saarayo isku milanka Shabaab iyo hey’adaha dowladda.

Dad badan oo ku dhex qarsanahaa hey’adaha dowladda ayaa lagu guuleystay in banaanka lasoo dhigo, kuwaas oo la shaqeyn jiray argagixisada, dadkaas waxaa laga xusuustaa, masuuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Hodan, guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenley iyo saraakiil la toogtay oo awoodooda ciidanimo ku gudbi jiray qaraxyadii lagu laayey dadka reer Muqdisho.
 

cow

VIP
You kidnapped him. It was all over social media. You kidnapped his driver when farmaajo went to garowe. His driver took him to the airport and now he is missing.

It had already been confirmed NISA took him.

There is a lot of speculations that NISA wants to put a bomb in farmaajo car.
 

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
You kidnapped him. It was all over social media. You kidnapped his driver when farmaajo went to garowe. His driver took him to the airport and now he is missing.

It had already been confirmed NISA took him.

There is a lot of speculations that NISA wants to put a bomb in farmaajo car.
They want to cull farmaajo’s associates and anyone associated with him. AS are his mortal enemies, so the article has no common sense.

https://www.caasimada.net added to my list of bullshit news 👍
 
They are exposing themselves more and more with these fake news stories 😂.
We can have the perfect leader in Somalia (which there hasn’t been), And as long as he’s not part of a certain clan, or if he makes someone from his own clan look weak in comparison to him, we’ll hear on the news next week “Somali president eats heart of ahlul sunnah fighter”
 

IKHALIIL

Suldhaanka
For a guy whose parliament speaker had a khawarij driver who defected after aiding the attackers of the hotel near the presidential palace, you guys shouldn't be finding this too surprising.
 

Jungle

VIP
More Hutu fake news.
You are a shabab sympathizer and so is your uncle whos now ran back to Doha.

Too bad Ilkàyar have no aim politically. I suggest you get behind the people named by SNA, Nisa and Ahmed Black for a more cohesive Jubbaland.


For a guy whose parliament speaker had a khawarij driver who defected after aiding the attackers of the hotel near the presidential palace, you guys shouldn't be finding this too surprising.
Thats right mursal driver defected also this is to be expected as that govt was full of shabab
 

Trending

Top