DHACDO UGUB AH
Waxaa maanta duulimaadkii Ethiopian Airlines ee Addis Ababa - Jigjiga ee lambarkiisu ahaa ET 212 oo ka soo kicintintay Addis Ababa 3:25 soona fadhiisatay Jigjiga 4:45 duuliye ka ahaa Duuliye Eng Hamse dahir.
Waxaa dhacdo ugub ah noqotay kolkii duuliyihii diyaarada uu ogaysiiskii duulimaadka ku sheegay luqada Af Soomaaliga. Waana kolkii u horaysay ee Duulimaad diyaarada Ethiopian Airlines ah lagu ogaysiisyo Af Soomaali oo la raaciyo Af Ingiriiska iyo Af Xabashiga oo hore u jiray.
Duuliye Xamse waxaa kale oo uu ogaysiiskaa oo kale ka sameeyay duulimaadkii Et 213 oo ka kicitintay Jigjiga 5:15 kana degtay Addis Ababa 6:35 makhribnimo
Qoraalkan aad hoos ku arkaydaan waxaa bartiisa Facebooka doo dhigay Duuliye Eng Hamse Dahir
“Waxaan Maanta Duuliye ka ahaa Dulimaadka number kiisu yahay 212/13 waxaase Tariikh noqotay Markii ugu horaysay in aan war bxinta Diyaarada ku bixiyay luuqada Afsomali ga ah Taas oo waligeed horay loogu bixinin Ilaa iyo intii la’aas Aasay shirkada.
Waxaa Intaas Dheer in Rakaabka diyaaradu ay aad ugu faraxsanayeen, iyo shaqaalaha diyaarada ila saran oo ad ugu riyaaqay Hadii Tariikhda dib loogu noqdo xili Waxaa jirtay luuqada ingiriiska Oo kaliya lagu bixin jiray Oo duuliyayaasha diyaarada ay ahayeen ajinabi( Cadaan ah ) dadaal badan kadib Waxaa lagu soodaray luuqada Qaranka ( Axmaari ) Markii lahelay duliyayaal badan oo dalka udhashay Waxaase Tariikhda gashay Maanta 29-February 2024 in aan luuqadooda Hooyo kula hadlo.
Waxaan Mahad oo dhan iskale Allah (SWTC) oo suurta galiya badqabka aan marwalba kusocono.
Waxaan marlabaad umahadcelinayaa Dhamaan shacabka Degaanka oo marwalba Dhiiragalin Ii muumin jiray waxaanse ubalan qadayaa Hadii aad rakabkayga kamiqnoqotaan in aan warbixinta idin kusiindoono luuqada aad ku fahmaysaan oo ah afsomali.
’XIGASHO Geedka Nabada