AL-SHABAAB OO QARXIYAY DEGMADA BUULOBARDE EE GOBOLKA HIIRAAN
Ururka Al-shabaab ayaa maanta qarax ku bartilmaameedsaday degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan oo ah muhiim ah oo isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo caasimadda Muqdisho.
Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa, kaas oo waxyeelo ba’an gaarsiiyey, sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaaday oo lagu faafiyay baraha bulshada.
Ujeedka qaraxa ayaa ahaa sida warar sheegayaan in mid lagu doonayay in lagu jaro degmada Buulobarde, wuxuuna ku soo aaday, xilli dagaalo ka dhan ah urur Al-shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST
See the pics here.
https://puntlandpost.net/2022/10/19...undada-degmada-buulobarde-ee-gobolka-hiiraan/