Deg Deg. reer Cabudwaaq protests!

Status
Not open for further replies.

Agent 47

21st Divsion of Somali National Army
Dibax ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Cabudwaaq ee ka tirsan maamulka Galmudug ayaa
waxaa lagu taageerayey Madaxweyne Ahmed Ducaale Geelle “ Xaaf” oo dhawaan go’aan uu soo saaray
muran badan uu ka dhashay.

Dadweynaha Cabudwaaq ayaa sheegay inuu Madaxweyne Xaaf yahay mas’uulka ugu sareeya
siyaasada Galmudug, isagana uu yahay shaqsiga mudan in looga danbeeyo go’aanada uu ka qaatay
arrimaha Khaliijka.

“Dadku madax ayey leeyihiin, waxaana madax u ah Madaxweyne Xaaf,haddii uu isaga go’aan masiiri
ah inoo gaaray waa in lagu raacaa, ee ma ahan in dowlada dhexe ku kicisaa kuwii isaga ka hooseeyey”

ayuu yiri siyaasi Cali Ceelbuur oo ka mid ahaa dadkii la hadlay dibadbaxayaasha.

Dhinaca kale, dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay wado faragelin ka dhan ah maamulada
taageeray xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyaddoo dowlada si cad go’aankeeda
dhexdhexaadnimada uu u yahay mid taageero u ah Qatar.

“Reer Cabudwaaq oo aan kala harin ayaan codkooda ku sheegayaa in Madaxweyne Xaaf garabkiisa aan nahay, oo ku raacsanahay go’aankiisa, wixii hoggaankiisa qalqalgelinayana meel ayaan uga soo wada jeesaneynaa” ayey tiri Khadra Warsame Ashkir.

Baabuur lagu wada dhejiyey sawirada Madaxweyne Xaaf oo lagu rakibay sameecado laga maqlayo
buraanbur lagu ammaanayo Madaxweyne Xaaf iyo isbaheysiga Sacuudiga ayaa magaalada ay la
dhexmareen dibadbaxaayasha Cabudwaaq. Waxaana Buraanburkaasi tirineysa Maymuun Abdiqaadir.

Tan iyo markii uu soo baxay khilaafka ka dhashay go’aanka Madaxweyne Xaaf we Khaliijka ayaa
waxaa dibadbaxyo kala duwan oo lagu taageerayo ka dhaceen magaalooyinka Galkacyo, Cadaado iyo
Cabudwaaq. Waxaana wali socda xiisado siyaasadeed oo ka dhex socda magaalada Cadaado.

22008227_1421382191264050_7780187384729686132_n.jpg

22007899_1421382244597378_6967014520862218530_n.jpg

21766603_1421382117930724_575199905354060187_n.jpg

21765069_1421382057930730_3172373243464830065_n.jpg

21762125_1421382361264033_2110860913675264499_n.jpg

21762060_1421381987930737_3725956236709750589_n.jpg
 
These people haven't known governance in nearly three decades, they have no respect whatsoever for Somalia iyo xukuumadeeda.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top