CaliTedesse I have a question

CaliTedesse

I ❤️ Islam & Aabo Kush. Anti-BBB Anti-Inbred
VIP
No Cali Tedesse was a Somali Mujaahid AUN

Allaha u naxariistee Cali Tedesse waxa uu ahaa Mujaahid caan ah oo aad loo yaqaano gabaygani waxa uu tiriyay waqtigii laga soo noqday dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya sannadkii 1978kii
Da,d gabayga damac igama galin laba diraacoode.

§ haddaan dayni waayoon markale dib ugu soo laabtay

§ waa inaan dareenkaan qabiyo dulucda sheegaaye

§ dalka waynu wada leenihiyo duuga nololeede.

§ Dad haduu isdhalo cadhadu waw duriyo laayaane

§ Ma dagaan walaaluhu haday duur coloobaane.

§ Waa inaan ka doodna ra’yiga dan isku sheegnaaye

§ Soomaaliyeey waad disheen damacee waynaaye.

§ Dayaxaaba laynagu wadiyo dawladaha qaare.

§ Dib baad uga dhacdeen meelahaad dagi lahaydeene.

§ Dab dhaxmooday odaygii dadxumi, dal ka bixi waaye.

§ Ma dardaarankii la is faraan cidina daymoonin.

§ Sidii adhi diraaceed miyaa daaqsin lagu baahay.

§ Miyaan dawladnimadii nacniyo calankii loo daalay.

§ Daarood Ismaciil miyuu kala danbayn waayay

§ Dabkuu shiday majeerteen miyaa daa la odhan waayay.

§ ma jid waaq dabkuu guran jiruu dib ula soo jeestay

§ ogaadeen dilllaalkii miyuu subaxba diin keenay

La soco qaybta labaad
 

Trending

Top