Calaacal & false allegations from section of Hirshabelle MPs after wages cut

Jungle

VIP
Beledweyne (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabeelle ku metela gobolka Hiiraan, gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa eedeymo culus u jeediyey Cali Guudlaawe

Xildhibaanadaan ayaa Cali Guudlaawe ku eedeeyey inuu kala jecleystay beesha uu ka dhashay ee Abgaal iyo beesha Xawaadle, “Liiska wasaaradda waxbarashada HirShabeelle waxaa lagu soo qoray in Masaajid-Caligaduud ay degmo tahay oo Moqokori aysan degmo aheyn,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanadii hadlay.

“Markii tabashada dadkeena la dhageysa waayey, ayaan weydiinay madaxweynaha sababta loo dhageysa la’yahay dadkeena, kadibna wuxuu gunadii ka jartay shan ka mid ah Xildhibaanada Xawaadle,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha hadlay.

Sidoo kale Xildhibaanada HirShabeelle ku metela beesha Xawaadle ayaa wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ka socdsaday in lacagaha lagu kabo miisaaniyadda maamulkaas aan lagu darin qoondada gobolka Hiiraan, maadaama ay cabasho ka yihiin hoggaanka maamulka. (They admit Guudlaawe receives funds from FGS for H&MS)

“Intii dagaalka lagu jiray waxaa la helay lacag dhan $4 miliyan oo dollar, cali Guudlaawe ayaa shakhsiyan u isticmaalay, lacagtaas qoryo ayuu kala baxay, xarunta baarlamaanka ee Jowhar waxaa u dhex yaalla qori Suug ah oo lacagtaas uu kala soo baxay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaanka hadlay.
 

Trending

Top