Caasha Dheer Saar Foundation

Status
Not open for further replies.

Bille

Sidii roon Raba og
Waxaa la ogaaday in cudurka Saar ka la yidhaahdo uu soo galay tuuladan S-Spot. Dad badan oo S-Spot soo galana ay ka muuqato in ay la liitaan cudurka Saar.

Hadaba cudarkani waa mid halis ah oo dadka waali Ku rida! Astaamaha lagu yaqaano Saar ka waxaa ka mid ah, in uu qofka cudurkan qaba uu yidhaahdo:
1) Waxaan Ku riyoodey Jinni.
2) Waxaan arkay Jinni.
3) Quruumo ayaa gurigeeyga yimaada habeenkii.
4) Marka uu gabalku dhaco ilaa iyo inta ay qoraxdu ka soo baxeeyso Balaayo ayaa Ila hadasha.
5) Alaabteeyda iyo aaladaha gurigeeyga yaala Balaayo ayaa kala qorsheeysa.

Markii aan ogaanay dhibaatada uu Saar Ku keeno (Waali) ayaan waxaan la xidhiidhnay Caasho Dheer.

Caasho Dheer waa marwo ku takhasustay sida dumarka Saar ka looga tumo. Islaantu waa khatar. Ul weyn iyo durbaan bey sidataayoo meeshey soo gasho Saar ku wuu ka cararaa. Ushu ma'aha mid ay durbaanka ku garaaceyso! Maya, maya usha waxay ku garaaceysaa dumarka Saar ka qaba. Iyadana waxaa loo garaaceyaa durbaanka. Karbaash siday ugu wado bey dhididka saydhisaa, labo kiilo oo baruur ahna meesha ku gubtaa.

Dadka ilaa iminka aan xaqiijinay in uu Saar ku hayo waxaa ka mid ah:

1) Reiko
2) EMT

Hadii aad aragto dad uu ka muuqato astaamaha Saar ka fadlan si deg deg ah magacooda halkan ugu soo qor.

Reiko iyo EMT waa qaraabadeena, qaaraanka ha loo soo aruuriyo. Caasho Dheer bilaash ma'aha! Qofkasta labo dollar oo qaaraan ah ha keeno, Wa bilaahi tawfiiq.
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top