C/kariin Qalbi dhagax: I Won't Come To "Mogadishu As Long As The Ethiopian Stooges Farmaajo Iyo Khee

Status
Not open for further replies.
C/kariin Qalbi dhagax oo sheegay in uusan Muqdisho Imaan doonin inta Farmaajo iyo kheeyre Xukanka heeystaan (Aqriso hadal cajiib oo uu jabuuti ka sheegay)



Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo islamarkaana uu R/wasaaraha ka yahay Xassan Cali kheeyre tan iyo markii ay hanteen hogaanka dalka waxaa ay sameeyeen falal badan oo gef iyo ceeb ku ah jiritaanka qaranka iyo Umadda Soomaaliyeed.

C/kariin sheikh muuse qalbi dhagax oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ayeey si xoog ah ugu gacan geliyeen Itoobiya Sanadkii 2017,iyagoo waliba ku tilmaamay ruux argagaxiso ah ka dib kulan ay yeesheen golaha Wasiirada.

Shir ka dhacay Jabuuti oo ay kazoo qeeyb galeen ku dhawaad 200 oo ruux islamarkaana lagu casuumay C/kariin sheikh muuse qalbi dhagax ayuu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneeysa,waxaana uu sheegay dhacdooyinkii uu la kulmay iyo sidii loola dhaqmay in ay ahaayeen falal xitaa ka fog Bili’aadannimada.

Waxaa la weeydiiyay C/kariin sheikh muuse qalbi dhagax in ay lasoo hadleen dowladii u gacan gelisay Itoobiya iyo in kale islamarkaana ay raali-gelin siiyaan waxaana uu yiri’’ wax raali ahaansho ah oo ay isiiyeen ma jirto,waxaana wali u ahay argagaxiye’’



C/kariin sheikh muuse qalbi dhagax ayaa waxaa uu mar kale ku celiyay in uusan Muqdiso oo ah halka uu ugu jecel yahay dhulka Soomaaliyeed uusan tageeynin inta ay xukunka heeysteen Madaxweyne Farmaajo iy R/wasaare xassan cali kheeyre.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si xoogan uga welwelsan talaabooyinka qaabta daran ee dowlada federaalku ku kaceeyso,waxaana hadalka C/kariin sheikh muuse qalbi dhagax uu imaanayaa iyadoo maalmo uun ka hor muwaadin kale si awood ah looga adeegsaday Itoobiyaan

https://muqdisho.online/c-kariin-qa...ajiib-oo-uu-jabuuti-ka-sheegay/?cn-reloaded=1
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Latest posts

Top