PIM HANOOLAATO
Qodob kamid ah War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland ee Garoowe ka qabsoomay, ayaa lagu go’aamiyay in Xukuumadda Puntland oo ka wakil ah shacabkeeda, ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii waddo baal-marista Nidaamkii dowladnimo ee lagu heshiiyay.
Qodobka 10-aad ee War-murtiyeedka, ayaa si cad loogu qeexay in Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo la gudboonaada, haddii dowladda Federaalku ay sii waddo baal-marista Dastuurka iyo Hannaankii lagu heshiiyay ee Federaalaynta dalka.
War-murtiyeedka, waxaa lagu sheegay in Shir weynuhu taageersanyahay, go’aan kasta oo Puntlad qaadato, haddii dowladda Federaalku ay ka waan-toobi waydo ficillada ay ku jirto, si loo badbaadiyo masiirka iyo mustaqbalka dadka Reer Puntland.
Qodobkaas ayaa u muuqda mid Puntland u ogolaanaya, in ay dalka intiisa kale ka go’i karto, haddii lagu heshiin waayo hannaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay u maamulayso dalka.
PUNTLAND POST