BREAKING: Plane Accident at Aden Adde International Airport

IKHALIIL

Suldhaanka
Muqdisho (Caasimada Online) – Shil diyaaradeed ayaa goordhoweyd ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar hordhac ah oo kasoo baxaya ayaa sheegay in diyaaraddan oo lagu magacaabo Salaama Air ay ku timid cilad sababtay inay u bixi waayeen lugaha markii ay kusoo dagan rabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo wadday dad rakaab ah ayaa waxay ku degtay meel banaan ah oo kamid ah isla garoonka Muqdisho kadib markii ay u bixi waayeen lugaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shilkan uu ka dhashay khasaare kala duwan, welina lama soo warin wax khasaare nafeed ah.

Waxaana haatan socda dadaallo lagu soo daabulayo dadkii shacabka ahaa ee la socday diyaaraddaasi shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wixii kasoo kordha waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.
 

Trending

Latest posts

Top