breaking: huge explosion in dayniile tens of students killed

Status
Not open for further replies.

TekNiKo

“I am an empathic and emotionally-aware person.
VIP
Qaraxii Muqdisho ka dhacay oo lagu laayey arday badan iyo faahfaahin ku saabsan
October 1, 2018
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu qarax ka dhacay Waddada Warshadaha ee marta Degmadaas.


Dadka deeganka ayaa sheegaya in ay maqleen jugta Qarax,kaas oo ay sheegeen in uu ka dhacay meel ku dhow Aargada Degmada Dayniile.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilliga Qaraxa uu dhacayay ay Goobta marayeen Gawaari ay leedahay Dowladda Talyaaniga kuwaas oo la sheegay in iyaga lala eegtay.

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah Qaraxa ayaa Khasaaro xoog leh u geystay arday aad u badan oo marayey Aargada Dayniile xilli ay ku beegneyd waqtigii laga soo fasaxay Iskuulada.


Inta la xaqiijiyey ku dhawaad 10 qof oo arday u badan ayaa qaraxa ku dhintay waxaana jiro dhaawac intaas ka badan inkastoo aan la heyn tirada rasmiga ah.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu bas beelay mid kamid ah gawaaridii ay wateyn ciidamada Talyaaniga oo halkaas marayey iyadoo ay la socdeyn kuwa Soomaalia ah.

Ciidamadaan Talyaaniga ee la beegsaday ayaa inta badan isticmaalo waddooyinka Muqdisho waxaana lagu yaqaanaa inay Anteenada Mobilada ka tagto dadka ku sugan halka ay marayaan waxaana gawaarida ku xiran Calanka Talyaaniga.


Maalmihii hore ciidamadaan ayaa kaligood Muqdisho iska dhex mari jiray waxaana maalmihii dambe daba socday ciidamo Dowladda ka tirsan oo iyana wato Gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda.

Ciidamada Talyaaniga ayaa ka mid ah Ciidanka Midowga Yurub ee tababarada siiya ciidanka dowladda, waxaana lagu arkaa iyagoo ku socda gaadiidkooda Milateri.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyada oo aysan ilaa hadda soo bixin khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
 
Status
Not open for further replies.

Trending

Top